“Cristiano Ronaldo Ayaa Ka Fiican Lionel Messi, Laakiin Ma

Halyeeyga reer Brazil Pele ayaa sheegay in Cristiano Ronaldo uu ka fiican yahay Lionel Messi, laakiin waxa uu sheegay inuu isagu weli yahay xiddigii abid ugu fiicnaa kubada cagta.

79 jirkaan oo heysta rikoodhka xiddiga ugu goolasha badan abid kubada cagta ayaa aaminsan in xiddigahaan da’da yar aysan isaga u soo dhaweyn.

Inkastoo qaar ka mid ah goolashiisa gaaraya 1281 gool uu ka dhaliyay kulamo aan rasmi ah oo saaxiibtinimo hadana xiddiga seddexda jeer ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa weli ku jira dooda ku saabsan xiddigii abid ugu fiicnaa dunida.

Laakiin xiddiga haatan jira, Pele ayaa aaminsan in Ronaldo uu ka fiican yahay Messi, isagoo u waramayay kanaalka YouTube ee Pilhaldo:

“Maanta xiddiga ugu fiican dunida waa Cristiano Ronaldo.

“Waxaan qabaa inuu yahay xiddiga ugu fiican, sababtoo ah si joogta ah ayuu qaab ciyaareed fiican u soo bandhigaa. Ma ilaawi kartid Lionel Messi dabcan laakiin ma ahan gooldhaliye.”

Ronaldo oo 35 sanno jir ah ayaa dhaliyay 725 gool 1000 kulan uu wadar ahaan saftay waayihiisa ciyaareed.

Laakiin Messi oo ka yar labo sannadood ayaa heysta rikoodh fiican isagoo dhaliyay 697 gool 856 kulan uu saftay, inkastoo uu Pele tilmaamay inuusan aheyn gooldhaliye.

Boqorka banooniga ayaa sidoo kale magacaabay xiddigo kale oo waa weyn oo iyagana ka mid ah liiska kuwii iugu fiicnaa dunida.

Wuxuu yiri: “Waa su’aal ay adag tahay in laga jawaabo. Ma ilaawi karno Zico, Ronaldinho iyo Ronaldo Nazario.

“Yurub iyadana ma ilaawi karno Franz Beckenbauer iyo Johan Cruyff.

“Hadaba aniga qaladkeyga ma ahan laakiin waxaan qabaa in Pele uu dhamaantood ka fiican yahay”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More