Hogaamiye Farmaajo oo isbedel ku sameeyay taliyaal ka
Hogaamiyaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamerd Cabdullaahi Farmaajo ayaa Isbedel ku sameeyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, isagoo kuwo Cusub magacaabay.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Hogaamiye Farmaajo ayaa waxaa xilka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Xoogga dalka loogu magacaabay inuu noqdo Jeneraal Cabaas Amiin Cali oo hore u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka.
Hogaamiye Farmaajo ayaa sidoo kale taliyaha Ciidanka Dhulka u magacaabay Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, halka Taliye ku-xigeenka Ciidanka Dhulka loo magacaabay Col. Xuseen Xoosh.
Taliyeyaasha Cusub ee uu magacaabay Hogaamiyaha Jamhuuriyada Federaalka ayaa maanta si rasmi ah xilalka loogu kala wareejiyay, kadib Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga.