WARBIXIN: 10kii Ciyaartoy Ee Arsenal U Xidhay No4, Kuwii Ku Fashilmay
Waxaynu kasoo bilaabaynaa intii horyaalka heerka koowaad ee Ingiriisku uu qaatay magaca Premier League oo kasoo bilaabmaysay sannadkii 1992kii, waxaanaynu soo gaadhsiinaynaa illaa hadda oo ah 2021. Warbixintu waxay u gaar tahay Arsenal, waxay kaga sii aaddan tahay ciyaaryahannadii u xidhay No4 oo hadda loo xidhay Ben White oo ay Arsenal lasoo saxeexatay xagaagan.
Gunners ayaa £50 milyan oo Gini kasoo bixisay Ben White oo ay kala soo wareegtay Brighton, waxaana Jimcihii lagu soo bandhigay Emirates Stadium iyadoo loo xidhay No4. Waxa uu sidaas ku noqday ciyaartoygii 12aad ee Arsenal u xidha lambarkan tan iyo intii horyaalka Premier League uu magacan cusub qaatay.
Mikel Arteta ayaa amaan kula dul-dhacay laacibkan, waxaanu u diiday waxyar oo dhalliil ah, isagoo ka dhigay xiddig aan lahayn meel la tuuro, sida aad ka akhrin karto warbixintii aanu ka qornay markii uu Arteta ka hadlayay.
11kii ciyaartoy ee ka horreeyey Ben White ee xidhay No4, waxay iskugu jireen halyeeyo sumcad iyo karaamo lahaa oo muddo dheer soo ilaaliyey sharafta lambarkan iyo kuwo muddo kooban xidhnaa oo aan waxba ku tarin. Midka ugu liitay waxa uu ahaa William Saliba oo isaga oo aan wali hal kulanna u safanin kooxda koowaad alga wareejiyey. Difaacan ayaa hadda amaah ugu maqan Marseille.
1. Ian Selley – Wuxuu kasoo baxay kulliyadda da’yarta Arsenal, waxaanu xidhay lambarkan 9 kulan oo kaliya oo kooxda koowaad uu u saftay, kaddibna waxa uu sannadkii 1997kii u wareegay Fulham.
2. Nigel Winterburn – Waxa uu ahaa laacibkii ku xigay Selley ee lambarka 4 qaatay, waxaanu ka ciyaarayay difaaca. 33 kulan oo kooxda koowaad uu u saftay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee uu xidhay lambarkan. Xilli ciyaareedkii xigay ayaa uu iska beddelay, waxaanu qaatay No3 oo uu xidhnaa siddeeddii sannadood ee xigay ee uu joogay Highbury Stadium.
3. Tony Adams – Intii ugu badnayd waayihiisa Arsenal waxa uu xidhnaa No6, laakiin xilli ciyaareedkii 1993/94 ayaa la siiyey No4 ka hor intii aanu iska beddelin. 46 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah ayuu safatay sannadkii uu xidhnaa lambarkan, waxaanu kula guuleystay European Cup Winners’ Cup. Waa kabtan taariikh weyn ku lahaa kooxda.
4. Martin Keown– Adams ayay ka wada ciyaarayeen difaaca. Isagana waxa la siiyey No4 xilli ciyaareed uu saftay 42 kulan oo dhamaan tartamada ah, hase yeeshee waxa uu u beddeshay No14.
5. Paul Davis – Waxa uu lambarka 4 ka beddelay Keown, waxaanu xidhnaa laba sannadood, isagoo kooxda la qaaday Cup Winnners’ Cup. Sannadkii 1995kii ayuu ka tegay Arsenal markii ay yaraatay fursaddiisii ciyaareed.
6. Stefan Schwarz – Si dhab ah ayuu u beddelay Davis oo uu xataa lambarkana ka qaatay. 45 ciyaarood oo uu saftay isaga oo xidhan No4 waxa uu si lama filaan ah uga tegay Arsenal, isagoo u wareegay Fiorentina oo waqtigaas ka mid ahayd kooxaha ugu wanaagsan Talyaaniga ee ay xiddiguhu isku urursadaan.
7. Patrick Vieira – Waa ciyaartoyga ay dadka oo dhan xasuusan yihiin inuu xidhan jiray No.4, waqtigii ugu badnaana uu ku qaatay. Vieira ayaa loo aqoonsan yahay ciyaartoygii ugu guulaha badnaa ee lambarkan xidhay, waxaana uu udub-dhexaad u ahaa guulihii Arsenal gaadhay waqtigii uu Arsene Wenger macallinka u ahaa.
Sagaalkii sannadood ee ka ciyaarayay Highbury iyo Emirates Stadium waxa uu kula guuleystay saddex horyaal oo Premier League ah iyo afar FA Cup oo uu intooda badan kabtan ahaa.
8. Cesc Fabregas – Waa ciyaartoyga kusoo xiga Vieira ee ugu wanaagsanaa ee xidhay lambarkan. Markii uu Vieira tegay ayaa lagu wareejiyey, waxaanu xidhnaa shantiisii sannadood ee ugu dambaysay Arsenal oo uu waliba kabtan noqday, ka hor intii aanu Barcelona tegin.
9. Per Mertesacker – Difaaca reer Germany ee Per Metesacker shan sannadood ayuu xidhnaa lambarkan isaga oo ka dhaxlay Fabregas. Muddadii toddobada sannadood ahayd ee uu joogay Emirates Stadium ee uu shan ka mid ahna xidhnaa No4 waxa uu kula guuleystay saddex FA Cup ka hor intii aanu sannadkii 2018 hawlgabka noqon.
10. Mohamed Elneny– Ma aha ciyaartoy lagu xasuusto inuu lambarkan xidhan jiray. 17 kulan ayuu u saftay Arsenal isagoo No4 xidhan ka hor intii aanu u beddelanin 25.
11. William Saliba – Markii ay Arsenal lasoo saxeexatay ayaa lagu wareejiyey No.4, laakiin marnaba uma safanin kooxda koowaad, haddana wuxuu ku maqan yahay amaah.