Mikel Arteta Oo Ogaaday Xiddiga Caqabadda Ku Noqonaya In Arsenal Lasoo
Arsenal waxay xiiso u muujisay weeraryahanka Inter Milan ee Lautaro Martinez oo uu tababare Mikel Arteta doonayo in kooxdiisu ku dagaalanto sidii ay ula soo wareegi lahayd suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan.
Sida uu qoray wargeyska The Athletic, Arsenal oo xilli ciyaareedkii hore ka dhibaatootay afka hore ee weerarka ayaa doonaysa weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez oo 17 gool u dhaliyey Inter Milan 38 ciyaarood oo horyaalka Serie A ah oo uu u saftay xilli ciyaareedkii hore.
Warka ayaa waxa uu intaa ku daray, in Arsenal ay weydiisatay Martinez haddii la heli karayo oo uu wada-xaajood la furi karayo, iyadoo dhinaca kalena qorshaynaysa in Inter Milan ay u bandhigto Hector Bellerin iyo lacag, si ay ugu suurtogasho in ay lasoo saxeexdaan laacibkan.
Lakiin Arsenal ayaa waajahaysa caqabad gudaha kooxdeeda ah, waxaana jira hal ciyaartoy oo dhibaato ku noqon kara in Arsenal fulin karto qorshaha ay ku doonayso Lautaro Martinez, waana weeraryahanka reer France ee Alexandre Lacazette oo bixtaankiisu ku xidhan yahay saxeexa Lautaro.
Inter Milan ayaa lagu soo warramayaa in ay dalban doonto Lacazette haddiiba ay ogolaado in uu ka tago Martinez, taasina caqabad kuma aha Gunners, balse haddii uu ciyaartoygani ka gaws-adaygo inuu Talyaaniga tago ayaa dhibaato ku noqonaysa.
Martinez oo ka taga Inter, waxa si toos ah u kordhi doona mushaharka uu qaato iyadoo uu hadda sannadkii ka xoogsado kooxdiisa kaliya £2.13 milyan oo Gini, haddii uu Arsenal u wareegana, waxa uu dalban doonaa ugu yaraan laban-laab ama kasii badan.
Nerrazurri oo iyaduna dhibaato dhaqaale ku dhex jirta, isla markaana hoos u dhigaysa mushaharooyinka ciyaartoydeeda ayaan la ogayn inay iibinayso laacibkan, balse haddana Arsenal ayaa ku kalsoon in ay fursad ka heli karayso Inter oo ay Martinez lasoo wareegi karayso.
Arsenal ayaa sidoo kale lala xidhiidhiyey weeraryahanka Chelsea ee Tammy Abraham, balse Martinez ayay u arkaan in uu yahay ciyaartoy dhamaystiran oo ka fiican Abraham.
Si kastaba, Arsenal ayaa xagaagan samaysay saddex saxeex oo midkii ugu dambeeyey ay soo bandhigtay shalay, waana difaaca reer England ee Ben White oo ay kasii horreeyeen Nuno Tavares iyo Albert Sambi Lokonga.