TOP 30: Sancho, De Bruyne, Salah: Waa Kuma Xiddiga Ugu Qiimaha Badan
Mid ka mid ah sheekooyinkii ugu waqtiga dheeraa taariikhda suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ayaa soo dhamaatay gellinkii dambe ee JImcaha markii ay Manchester United ku dhawaaqday in ay si rasmi ah ugala soo wareegtay Borussia Dortmund laacibka reer England ee Jadon Sancho.
Heshiiska Sancho ayaa Ole Gunnar Solskjaer u noqon kara mid beddela ciyaartiisa, isla markaana tayo cusub iyo awood ciyaareed kusoo kordhiya, haddii uu si dhab ah ula yimaaddo qaab ciyaareedkiisiii afartii sannadood ee uu joogay Borussia Dortmund amaba uu horumar kusii sameeyo xirfaddiisa.
Sida ay sheegtay shabakadda Transfermarkt qiimaynta suuqa iibka ciyaartoyda, Sancho ayaa noqonaya ciyaartoyga labaad ee ugu qiimaha sarreeya horyaalka Premier League waqtigan.
Sancho ayay shabakaddu sheegtay, in qiimihiisa dhabta ah ee ay Red Devils kusoo iibsatay uu yahay £76.5 milyan oo Gini, halka ay kooxdu ka sheegtay in ay kusoo gadatay £72.9 milyan oo Gini.
30ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan horyaalka Premier League oo ay Transfermarkt soo saartay, waxa kaalinta koowaad kaga jira Harry Kane oo qiimaha uu ka taagan yahay suuqyada lagu sheegay ££108 milyan oo Gini, laakiin Man City ay ku doonayso illaa £160 milyan oo Gini.
Waxa kaalinta labaad fadhiya Sancho oo suuqyada ka taagan £90 milyan oo Gini, waxaanay isku mid yihiin Kevin de Bruyne iyo Mohamed Salah, halka uu Raheem Sterling shanaad soo galay oo uu qiimihiisa suuyadu marayo £81 milyan oo Gini.
Halkan kaga bogo 30ka ciyaartoy ee ugu qiimaha badan horyaalka Premier League:
30. Virgil van Dijk (Liverpool) – £49.50 million
29. Richarlison (Everton) – £49.50 million
28. N’Golo Kante (Chelsea) – £49.50 million
27. Youri Tielemans (Leicester City) – £49.50 million
26. Gabriel Jesus (Manchester City) – £54.00 million
25. Wilfred Ndidi (Leicester City) – £54.00 million
24. Fabinho (Liverpool) – £54.00 million
23. Paul Pogba (Manchester United) – £54.00 million
22. Alisson Becker (Liverpool) – £54.00 million
21. Bukayo Saka (Arsenal) – £58.50 million
20. Jack Grealish (Aston Villa) – £58.50 million
19. Andrew Robertson (Liverpool) – £58.50 million
18. Timo Werner (Chelsea) – £58.50 million
17. Declan Rice (West Ham) – £63.00 million
16. Bernardo Silva (Manchester City) – £63.00 million
15. Kai Havertz (Chelsea) – £63.00 million
14. Rodri (Manchester City) – £63.00 million
13. Ruben Dias (Manchester City) – £67.50 million
12. Mason Mount (Manchester City) – £67.50 million
11. Trent Alexander-Arnold (Liverpool) – £67.50 million
10. Phil Foden (Manchester City) – £72.00 million
9. Heung-min Son (Tottenham Hotspur) – £76.50 million
8. Marcus Rashford (Manchester United) – £76.50 million
7. Sadio Mane (Liverpool) – £76.50 million
6. Bruno Fernandes (Manchester United) – £81.00 million
5. Raheem Sterling (Manchester City) – £81.00 million
4. Mohamed Salah (Liverpool) – £90.00 million
3. Kevin De Bruyne (Manchester City) – £90.00 million
2. Jadon Sancho (Manchester United) – £90.00 million
1. Harry Kane (Tottenham Hotspur) – £108.00 million