Antoine Griezmann Oo La Ogaaday Kooxda Kaliya Ee Uu Niyaddiisa Ku

Barcelona ayaa isku dayaysa in ay iibiso qaar ka mid ah ciyaartoydeeda waaweyn si ay u dhinto mushaharka xad-dhaafka ah ee ay bixiso, waxaana laacibiinta la hadal hayo ka mid ah Antoine Griezmann.

- Advertisement -

Weeraryahanka reer France ayay Barcelona ka  weyday filashadii iyo bandhiggii fiicnaa ee waqtigiisii Atletico Madrid oo ay xagaagii 2019kii kala soo wareegtay, waxaana aan qarsoodi ahayn in Barca ay doonayso in laacibkan ay iska dirto xagaagan iyadoo iib ama isku-beddel ciyaartoy diyaar u ah.

Griezmann ayaa lala xidhiidhiyey Paris Saint-Germain oo la sheegay inay doonayso, sidoo kalena kooxo Ingiriis ah gaar ahaan Manchester City, laakiin isagu ma doonayo in uu kooxahaas midkoodna tago.

Wargeyska Sport ee kasoo baxa magaalada Barcelona ayaa maanta boggiisa hore ku qoray, kooxda kaliya ee uu Griezmann doonayo in uu u ciyaaro haddii uu ka tago Barcelona, taas oo Juan Laporta kasoo xidh-xidhaysa dookhyadii iyo kala-doorashooyinka kooxaha uu u bandhigayay laacibkan.

Sport waxa uu sheegay, in Griezmann uu kaliya doonayo in uu u ciyaaro Atletico Madrid oo uu dib ugu laabto haddiiba ay dhacayso in uu ka tago Camp Nou, iyadoo horeba ay u jireen wada-hadallo dhex-maray labadan kooxood oo ay isku dayeen in ay ku kala beddeshaan Saul Niguez iyo Griezmann.

Dhinaca kale, Atletico Madrid oo hore u haysatay Luis Suarez oo ay xagaagii hore ka qaadatay Barcelona, ayaa doonaysa in ay dib usoo ceshato Griezmann si uu uga garab ciyaaro weeraryahanka reer Uruguay ee xilli ciyaareedkii hore ka caawiyey in ay ku guuleystaan horyaalka Spain ee LaLiga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More