Xiddig Google Ku Raadiyay Magaciisa Ka Dib Markii La

Weeraryahanka kooxda Jarmalka ee Borussia Monchengladbach Marcus Thuram ayaa sameeyay arin lagu qoslo ka dib markii la weydiiyay inuu la soo baxo kaar aqoonsi oo uu ku geli karo garoonka San Siro ka hor kulankooda caawa ee Inter Milan.

Marcus Thuram oo uu dhalay halyeeyga daafaca Faransiiska Lillian Thuram oo ka mid ah daafacyadii ugu fiicnaa ee dunida soo maray ayaa sameeyay arin ka qoslisay dad badan.

Kooxdiisa Borussia Monchengladbach ayaa Twitter soo dhigtay wixii dhexmaray isaga iyo mid ka mid ah ilaaliyayaasha garoonka San Siro oo ay kooxdooda caawa marti ku tahay.

Markii la weydiiyay inuu la soo baxo kaar aqoonsi, Marcus Thuram ayaa magaciisa ku qoray google si uu u tuso waardiyaha qofka uu yahay taasoo u noqotay aqoonsi loogu ogolaado inuu galo garoonka.

‘Do you have any identification?’@MarcusThuram: *??????? ????*

???#DieFohlen pic.twitter.com/M6yEWCj8PO

— Gladbach (@borussia_en) October 21, 2020

Borussia Monchengladbach ayaa caawa marti u ah kooxda Talyaaniga ee Inter Milan oo ay kuwada jiraan group B.

Waxaa group-ka kula wehliya kooxaha Real Madrid iyo Shakhtar Donetsk oo iyagana caawa ku ciyaaraya garoonka Alfredo de Stefano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More