Chelsea Oo Xiddig Barca Ah Keenaysa Midna Ka Tagayo, Heshiiska Varane

Chelsea ayaa dejinaysa qorshaha ay Barcelona qaab amaah ah ugagala saxeexanayso Antoine Griezmann. (Daily Express)

Chelsea ayaa loo sheegay inay hawlgal aan macquul ahayn ku wajahayso rabitaankeeda saxeexa Erling Haaland oo Borussia Dortmund ka tirsan. (Sky Sports)

Manchester United ayaa ku dhaw inay heshiiska shaqsiga ah la gaadho Raphael Varane oo Real Madrid ka tirsan. (Manchester Evening News)

Tottenham ayaa weeraryahanka Southampton ee Danny Ings u dooratay dhaliyaha ay xagaagan doonayso iyaga oo qaba inuu ka garab ciyaari karo Harry Kane oo ay doonayaan inay sii haystaan. (Telegraph)

Arsenal ayaa xiisaynaysa inay 35 Milyan oo pound kula wareegto khadka dhexe ee Wolves ee Ruben Neves. (Sun)

Manuel Locatelli oo ka tirsan kooxda Sassuolo isla markaana xulka Talyaaniga kula soo guuleystay Italy ayaa soo dhaweeyay xiisaha uu ka helayo Juventus walow ay sidoo kale Arsenal doonaysay. (AS)

Spurs iyo Man United ayaa doonaya saxeexa Cristiano Romero kaas oo galaya sanadkii labaad ee laba sano oo heshiis amaah ah oo uu dhinaca Atalanta ugaga maqan yahay Juventus. (Calciomercato)

Arsenal ayaa Aston Villa ka diiday dalabaad 25 iyo 30 Milyan oo pound ah oo ay kaga doonaysay 20 sano jirka khadka dhexe ee Emile Smith Rowe. (Mail)

Paris St-Germain ayaa ku dhawaaqaysa saxeexa 22 sano jirka xulka Talyaaniga kula soo guuleystay Euro ee Gianluigi Donnarumma oo ay qaab bilaash ah AC Milan kaga qaadanayaan. (Daily Express)

Aston Villa kabtankeeda Jack Grealish ayaa looga digay heshiis uu ugu wareego kooxda Manchester City. (Daily Mirror)

Arsenal ayaa doonaysa inay xilli ciyaareedka dambe kooxda kusii haysato 21 sano jirka khadka dhexe ee Joe Willock walow ay Newcastle United doonayso kaddib lix bilood oo amaah ah oo lagu najaxay oo uu ku qaatay. (Newcastle Chronicle)

Kooxda Al Hilal ee dalka Saudi Arabia ayaa dalab ka gudbisay 25 sano jirka ree Brazil iyo kooxda West Bromwich Albion ee Matheus Pereira. (Birmingham Mail)

Xiddigii West Ham ee Felipe Anderson ayaa gaadhay magaalada Rome isaga oo dhammaystiraya heshiiska uu dib ugu biirayo kooxdiisii Lazio. (Fabrizio Romano)

Jadon Sancho ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka Man United waxaana la filayaa in saxeexiisa lasoo bandhigo 48-ka saacadood ee soo socda. (RNBVB)

Man United oo aan ku dhib qabin heshiiska shaqsiga ah inay la gaadho Varane ayaa markan bilawday inay wadahadalada toos ula bilawdo Real Madrid (Fabrizio Romano)

Olivier Giroud ayaa Khamiista gaadhaya Milan si uu heshiis laba sano ah qalinka ugu duugo AC Milan. (Di Marzio)

Bayer Leverkusen ayaa heshiis 10 Milyan oo euro ah kula wareegtay daafacii PSG ee Bakker. (Leverkusen)

Real Sociedad ayaa la saxeexatay goolhayihii Brighton ee Mat Ryan oo xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay Arsenal.(Sociedad)

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More