Ma Doonayno!! – Man City Oo Ku Gacan Saydhay Wararka La Xidhiidhinaya
Kooxda Manchester City ayaa lagu soo warramayaa inay dhigeeda Barcelona u sheegtay inaysan doonayn saxeexa weeraryahanka kooxdaas ee Antoine Griezmann kaas oo magaciisa lala xidhiidhinayay maalmihii ugu dambeeyay.
Barcelona oo ku jirta xaalad aad u adag dhaqaale ahaan ayaa doonaysa inay iska dirto xiddigo uu kamid yahay Griezmann si ay xoriyad dhaqaale u hesho oo ay u yarayso mushaharaadka ay bixiso.
Haatan mushaharka ay bixiso Barcelona ayaa gaadhay heerkii ugu sarreeyay ee horyaalka La Liga laga ogolaa taas oo sababtay inay awood u yeelan waayaan inay heshiis cusub ka saxeexdaan Lionel Messi oo qandaraaskiisii hore dhacay.
Haddiiba uu Messi heshiis cusub saxeexo isla markaana Barca loo diiwana geliyo saxeexyadeeda cusub ee Memphis Depay iyo Sergio Aguero ayay aaminsan tahay inaysan u baahan doonin Griezmann xilli ciyaareedka dambe.
Sidaas darteed Blaugrana ayaa saxeexa 30 sano jirkaas ula tagtay isla markaana u bandhigtay Man City oo qudheedu suuqa ka raadinaysa bedelka Aguero.
Haddaba, walow ay dhawaan soo baxayeen warar xusaya in macalin Pep Guardiola uu toos taleefan ugu wacay Griezmann una sheegay inuu doonayo haddana wargeyska Manchester Evening News ayaa shaaciyay war kaas lid ku ah.
Warbixinta Manchester Evening News ayaa sheegaysa in City ay Barca u sheegtay inaysan doonayn xiddiga French-ka ah isla markaana ay bedelkiisa xooga saarayso mid ahaan Harry Kane amaba Erling Haaland.
Griezmann ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa ku laabashada kooxdiisii hore ee Atletico Madrid amaba ku biirista Chelsea.