Barcelona Oo War Cusub Kasoo Saaray Xaaladda Lionel Messi Oo Uu Ka

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa war cusub kasoo saartay kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi oo xor ka noqday dhamaadka bishii June kaddib markii uu ka dhamaaday waqtigii qandaraaskiisu.

Messi oo ku sugan waddankiisa Argentina oo uu Sabtidii u qaaday koobkiisii ugu horreeyey oo Copa America ah, ayaa fasax ka noqday kooxdiisa markii uu dhamaaday qandaraaskiisu 30kii June, hase yeeshee waxay Barcelona si adag uga shaqaynaysay sidii ay ugu qancin lahayd inuu saxeexo heshiis cusub, iyadoo dhinaca kalena ay iska diraysay ciyaartooyo si ay meel ugu samayso mushaharkiisa xad-dhaafka ah.

Laacibkan oo la sheegay in sannadkii uu mushahar ahaan u qaato lacag gaadhaysa 139 milyan oo Euro, ayuu qandaraaskiisu dhacay xilli kooxdu ku jirto xaalad dhaqaale oo aad u liidata, taas oo keentay in kooxaha kale ee horyaalka LaLiga ay ku dhawaaqaan in ay la bixinayaan mushaharka Messi si aanu laacibkani uga tegin horyaalka Spain oo magaciisu qayb ka yahay daawashada iyo xiisaha dunidu u hayso tartanka.

Si kastaba, Madaxweyne Joan Laporta oo hadlay ayaa shaaciyey inay meel fiican marayaan wada-hadalladii Lionel Messi, ayna u dhow yihiin in uu saxeexo qandaraas cusub, waxaanu yidhi: “Cusboonaysiinta heshiiska Messi wuxuu u socdaa si habboon.”

Waxa kale oo uu Laporta sheegay inuu ku faraxsan yahay in Lionel Messi soo afjaray abaartii koobab la’aanta ee ku haysatay xulka dalkiisa, waxaanu yidhi: “Dhamaan reer Catalonia, Barcelona iyo adduunyada kubadda cagta oo dhan way faraxsan yihiin, sababtoo ah Leo ayaa ku guuleystay Copa America. Waxa kale oo aanu ku faraxsanahay Aguero.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More