SAWIRRO: Ciyaaryahanadda Xulka Talyaaniga Oo Ka Degay London & Maskaxdii

Ciyaaryahanadda xulka qaranka Talyaaniga ayaa mar dhoweyd soo gaadhay magaalada London iyadoo uu ka maqan yahay maskaxdii kaabaysay tababare Roberto Mancini oo lagaga yimid waddanka Talyaaniga, halkaas oo ay ciyaartoydu tababarka ku qaadanayeen maalmihii ugu dambeeyey.

Azzurri oo tababarka ku qaadanayay xarun ku taalla Florence ayaa gellinkii dambe ka degay magaalada London, xilli ay isku soo diyaariyeen kulanka Finalka Euro 2020 ee ay England wada ciyaari doonaan habeen dambe.

Sawirrada laga qaaday ciyaartoyda iyo tababareyaasha diyaaradda ku yimid London ayaa waxa aan ka muuqanin Gianluca Vialli oo ah tababare ku-xigeenka Talyaaniga iyo shaqsiga maskaxda la garab taagan Roberyto Mancini.

Warbaahinta Talyaaniga iyo xidhiidhka kubadda cagta dalkaas midna ma sheegin sababta keentay in Vialli oo waqtigii uu ciyaartoyga ahaa u dheeli jiray Chelsea uu uga maqnaaday ciyaarta finalka ee sida weyn loogu baahnaa taladiisa iyo in aragtidiisa uu ku kordhiyo Mancini.

Gianluca Vialli ayay suurtogal tahay inuu ka daba yimaaddo xulka saacadaha soo socda sida wararka qaarkood sheegayaan, laakiin dhinaca kale waxa jira shaki muujinaya in ay suurtogal tahay inuu ku jiro saddex qof oo shalay laga helay Korona Fayras oo hore loogu sheegay inay qaybta saxaafadda u qaabilsanaayeen xulka. Si ay ahaataba, FA-ga Talyaaniga ayaa laga sugayaa inuu caddeeyo sida wax u jiraan.

Xulka qaranka Talyaaniga oo aan laga badinin 33kii ciyaarood ee ugu dambeeyey oo kasoo bilaabantay intii ka dambaysay koobkii Adduunka 2018 ayaa waxa uu tebi doonaa Gianluca Vialli oo ay caan noqotay intii uu u dabbaal-degay markii ay soo dhamaatay ciyaartii Austria ay 2-1 kaga badiyeen ee wareeggii 16ka.

Talyaaniga ayay farxad weyn u ahayd in ay garoomada ku arkaan Gianluca Vialli oo ay Roberto Mancini isku waqti u ciyaari jireen xulka, sababtuna waxay tahay in uu kasoo kacay xanuunka Kansarka oo uu muddo saddex sannadood ah u jiifay.

Gianluca Vialli ayaa muddo uu halgan kula jiray xanuunka waxa uu ugu dambayn ka bogsaday November 2018, waxaana fursad siiyey xidhiidhka kubadda cagta Talyaaniga oo gacan-yare uga dhigay Roberto Mancini.

Halkan ka daawo sawirrada:

Violli kuma jirin kooxda Talyaaniga ee maanta soo gaadhay London

Share this:Tweet Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan Cancel reply

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.

Halkaan Hoose Ku Qor Fekerkaaga

Magaca *

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More