YAAB: Ciyaartii England Iyo Denmark Oo La Dalbaday In Lagu Celiyo &

Ciyaartii semi-finalka Euro 2020 ee England iyo Denmark ayaa muran badan ka abuurtay dunida, waxaana la hadla hayaa sida uu garsoorihii ciyaartu ku ogolaaday in uu siiyo rikoodhe aanu caddaymo badan u haynin kulan xaasaasi ah iyo xilli xaasaasi ah.

Denmark oo la hormartay gool qumbulad oo kale ah oo uu u dhaliyey Mikkel Damsgaard  ayaa waxa ka daba yimid Simon Kjaer oo isku qabtay kubbad uu dhinaca midig kasoo dhiibay Bukayo Saka, taas oo haddii ay dhaafi lahaydna ay ciyaartoyda England heli lahaayeen oo si walba ay ku dhalan lahayd.

Midkoodna England iyo Denmark ma helin gool kale illaa laga gaadhayey waqti dheeraad ah oo lagu daray si loogu kala saaro, waqtigaas ayaana go’aamiyey in ciyaarta lagu kala baxo.

Raheem Sterling oo kubadda jiidanaya ayaa soo galay xerada ganaaxa, waxaana loo dhigay rikoodhe fudud oo uu garsooruhu ku degdegay, sidoo kalena aanay VAR waxba ka beddelin, kaddib markii uu Joakim Maelhe taabtay laacibkan, sidaasna uu dhulka ugu dhacay.

England ayaa ku badisay 2-1, iyadoo rikoodhaha oo uu laagtay Harry Kane uu soo celiyey Kasper Schmeichel laakiin uu dib ugu celiyey, kuna hubsaday shabaqa.

Kaddib dood badan oo illaa xalay taagnayd, Cris Pinto ayaa bilaabay codsi ‘Petition’ ay dadku ku dalbanayaan in gebi ahaanba meesha laga saaro natiijadii ciyaartaas oo dib loogu celiyo, si ay qaab caddaan ah ugu kala bixi karaan Denmark iyo England.

Change.org ayaa ah halka ay dadku ku codaynayaan, waxaana saacado kooban gudahood saxeexay codsigan in ka  badan 40,000 qof oo UEFA ka dabaday in lagu celiyo ciyaartaas.

Codsigan waxa UEFA loogu lifaaqay caddaymo muujinaya in Sterling uu istuuray, in VAR aanay si fiican u hubinin lugaha ciyaartoyda difaaca Denmark iyadoo la eegayo heerka is-taabashada.

Si kastaba, UEFA ayaa waxay haysataa codsi si aad ah ay dadka kasoo qayb-gelayaa usii kordhayaan oo lagaga dalabnayo in lagu celiyo ciyaartii England iyo Denmark.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More