Ii Kaalay!! – Mesut Ozil Oo Taleefan Ku Wacay Xiddig Arsenal Ah Oo Uu

Kubad sameeyaha kooxda ree Turkey ee Fenerbahce ee Mesut Ozil ayaa lagu soo warramayaa inuu ku jiro dadaalkii uu saaxiibkiisii Arsenal ee Saed Kolasinac ugu qancin lahaa sidii uu kooxdaas ugula soo biiri lahaa.

Daafaca Arsenal ayaa ah mid bar-tilmaameed u ah Fenerbahce waxaana la fahamsan yahay inay qabsoomeen wadahadalo labada dhinac dhex maray.

Sida uu sheegayo wargeyska Todo Fichajes, Ozil ayaa taleefan ku wacay Kolasinac si uu ugu qanciyo inuu kaga daba yimaado horyaalka Turkey-ga iyo kooxda Fenerbahce.

Kolasinac ayaa kusoo dhibtooday inuu isku muujiyo Arsenal walow uu calaamado fiican soo muujiyay markii uu kusoo biiray sanadkii 2017.

28 sano jirkaas ayaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore amaah ugu laabtay kooxdiisii Schalke 04, haatan ayay suurogal tahay inuu si rasmi ah uga baxo Emirates Stadium.

Fenerbahce ayaa u noqon lahayd dookh fiican oo uu u koox bedesho gaar ahaan inay asxaab dhaw yihiin Ozil oo halkaas kaga horreeyay.

Jamaahiirta Arsenal ayaan ka xumaan doonin in Saed uu kooxdooda ka tago maadaama oo ay ku dhaw yihiin inay Tavares oo daafac bidix ah kasoo qaataan Benfica.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More