Carlo Ancelotti Oo Telefoon Kula Hadlay Richarlison Oo Uu Ka Doonayo

Tababaraha cusub ee Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa xidhiidh la sameeyey weeraryahanka reer Brazil ee Richarlison oo uu doonayo in uu keeno Santiago Bernabeu xagaagan.

Ancelotti ayaa bishii June iska casilay Everton, waxaanu dib ugu laabtay Real Madrid oo uu u saxeexay heshiis soconaya illaa 2024. Waxa uu hadda ka shaqaynayaa sidii uu u dhisan lahaa kooxdiisa cusub isagoo suuqa ka raadsanaya ciyaartoyda xidhiidhka dhow ay leeyihiin ee uu sida fudud ugu gacan haadin karayo.

Tababarahan Talyaaniga ah ayaa la xaqiijiyey in uu telefoon kula hadlay Richarlison oo ku sugan waddanka Brazil oo uu kaga qayb-gelayo tartanka Copa America, waxaanu kala hadlay sidii uu ku iman lahaa Real Madrid oo uu uga ballan-qaaday in uu ka siinayo qorshe weyn iyo boos joogto ah.

Intii ay sheekaysanayeen, waxa uu Ancelotti u muujiyey Richarlison, in uu doonayo inay mar dambe midoobaan oo uu mar kale tababare u noqdo, iyadoo uu u xaqiijiyey in Real Madrid ay ka fiirsanayso in ay dalab ka gudbiso toddobaadyada soo socda.

Richarlison ayaa Everton ay kasoo iibsatay Watford sannadkii 2018, waxaanu noqday laacib aas-aasi ah isagoo xilli ciyaareedkii 2019-21 dhaliyey 15 gool, ahaana weeraryahanka koowaad ee uu ku xisaabtamo Ancelotti.

Isu-geyn, 119 ciyaarood ayuu u dheelay Everton, waxaanu u dhaliyey 42 gool, isagoo haddana ah ciyaartoy si joogto ah ugu soo bilowda xulka qaranka Brazil oo booskiisa ay ka furfuri kari waayeen Gabriel Jesus iyo Roberto Firmino.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More