RASMI: Isku Aadka Wareega Afar Dhammaadka Ee Copa America Oo Samaysmay
Waxa soo dhammaaday wareega siddeed dhammaadka ee tartanka Copa America iyagoo afarta xul ee iskugu soo gudbay heerka afar dhammaadka ay kala yihiin Brazil, Argentina, Peru iyo Colombia.
Habeen hore ayay ahayd markii Brazil ay guul 1-0 ah kusoo baxeen iyaga oo kasoo talaabsaday Chile halka Peru ay booskooda ay rigoorayaal kaga soo xaqiiqsadeen Paraguay oo ay 3-3 isku dhaafi waayeen 120 daqiiqo.
Xalay ayay Argentina dhinaceeda natiijo 3-0 ah kusoo jiidhay Ecuador iyadoo Lionel Messi uu laba caawimo iyo gool soo sameeyay halka Colombia ay rigoorayaal kaga soo gudubtay dhigeeda Uruguay.
Haddaba, wareega afar dhammaadka oo iskii u samaysmay maadaama oo ay xulalku garanayeen cida ay ku aadayaan haddii ay soo baxaan ayaa ah mid ay Argentina iyo Colombia ku kulmayaan halka ay Brazil dhinaceeda Peru is hor fadhiyaan.
Kulanka koowaad ayaa noqonaya midka dhex maraya Brazil iyo Peru oo Salaasada 2-da habeenimo xilliga geeska Africa dhacaya halka kulanka Argentina vs Colombia uu qabsoomi doono 4-ta habeenimo ee Arbacada.