Manchester United Oo Go’aan Ka Gaarey Mushaharka Xad-dhaafka Ah Ee
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa go’aan ka gaadhay mushaharka aadka u badan ee uu dalbanayo difaaca reer France ee Raphael Varane oo ay u xil-saartay in uu heshiiskiisa ka shaqeyo John Murtough.
Kaddib markii ay United ku guuleysatay Jadon Sancho oo ay kala soo wareegay Borussia Dortmund, waxay bartilmaameedka koowaad ka dhigatay xoojinta khadka difaaca oo ay u calmatay Varane oo isaguna doonaya in uu iskaga tago kooxdiisa Real Madrid.
Laacibkan oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa Santiago Bernabeu ayaa la fahamsan yahay in Real Madrid ay diyaar u tahay inay iibiso maadaama uu si bilaash kaga tegi doono sannad kaddib.
Manchester United ayaa isku dayday inay la saxeexato Raphael Varane toban sannadood ka hor waqtigii uu joogay Lens, laakiin waxa uga hormartay Real Madrid oo adeegsanaysay Zinedine Zidane oo ahaa qofkii ku qanciyey inuu yimaaddo Bernabeu.
Sida ay warbaahinta Ingiriisku qoreen maanta oo Sabti ah, Manchester United ayaa ogolaatay mushahar badan oo uu Varane ka dalbatay, taas oo fure u noqon doonta in Red Devils ay ku guuleysato saxeexa laacibka reer France.
Ole Gunnar Solskjaer ayaa u arka Raphael Varane in uu wax badan kusoo kordhin doono difaaca dhexe oo uu ka garab ciyaari doono Harry Maguire, halka xiddigaha kale ee Victor Lindelof, Eric Bailly, Axel Tuanzebe iyo Phil Jones ay noqon doonaan beddel sugeyaal.