Trezeguet Oo Daboolka Ka Qaaday Dhibaatada U Dhaxaysa Cristiano

Trezeguet waxa  loo aqoonsan yahay inuu ka mid yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda Juventus ee aan u dhalanin waddanka Talyaaniga, marka loo eego guulihii uu ku hoggaamiyey kooxdaas, goolashii uu dhaliyey iyo waxqabadkiisa sannadihii uu joogay.

Sannadkii 2018 ayaa loo magacaabay safiirka kooxda ee fagaareyaasha waaweyn oo uu ka qayb-geli jiray isagoo huwan magaca kooxdiisa, laakiin waxa uu xilkaas ka tegay toddobaadkii hore.

Trezeguet ayaa waxa uu bixiyey waraysi uu uu kaga hadlay xaaladda hoose ee kooxdaas, waxaanu qiray in qaladkii u weynaa ee ay Juventus samaysay uu ahaa iibkii laacibka reer France ee Kingsley Coman, halka xurgufta u dhaxaysa Ronaldo iyo ciyaartoyda kooxdaasna uu bannaanka keenay.

“Waxa aan doonayaa in aan naftayda dib iskugu baro adduunyada kubadda cagta, waxa jira tababareyaal badan oo da’yar ah iyo agaasimeyaal, waxa aananu joognaa bilowga isbeddelka jiilasha.” Ayuu yidhi Trzeguet oo waraysi siinayay La Gazzetta dello Sport.

Intii uu socday waraysiga, waxa la weydiiyey haddii ay jirto dhibaato u dhaxaysa Ronaldo iyo ciyaartoyda Juventus, maadaama uu isagu yahay xog-ogaal oo uu u dhuun-daloolo kooxdiisa hore, waxaanu ku jawaabay: “Wuxuu ahaa saxeexii ugu wanaagsanaa ee kooxdu samaysay, waliba cidina may filayn. “Wxa jiray dhibaatooyin u dhexeeyey isaga iyo ciyaartoyda, waanad arki karaysay taas, laakiin waxa uu dhaliyey 100 gool.

“Waxay ila tahay in aanu jirin qof u maamuli kara sidii Zinedine Zidane oo kale, waxa laga yaabaa in aanu jirin wada-hadal arrintan ku saabsan oo Juventus dhexdeeda.

“Tababare ayaa ciyaartoygiisa u sheegi kara: ‘Bal eeg ciyartan, waxa aad dhex socotay 90 daqiiqadood, waxaana waajib kugu ah in aad iga caawiso guul’.

“Waxa jira ciyaartooyo kale oo ay tahay in aanad ka hor imanin sababtoo ah iyaga ayaa guusha kuu keenaya. Ronaldo kuwaas ayuu ka mid yahay, Dybala sidoo kale. Qaar ka mid ah ciyaartoyda kale, mase badna.”

Sannadkii 2018 ayay Juventus kasoo bixisay Cristiano Ronaldo lacag dhamayd €112 milyan oo Euro oo ay kagala soo wareegtay Real Madrid.

Trezeguet waxa kale oo uu iftiimiyey qaladkii suuqa ee ay samaysay Juventus sannadkii 2015 kaas oo uu tilmaamay inuu ahaa iibintii Kingsley Coman oo tegay Bayern Munich, waxaanu si kooban u yidhi: “Waxa uu ahaa qaladkoodii u weynaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More