AFAR Ciyaartoy Oo Laga Ganaaxyo Xulka England & Gareth Southgate Oo
Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa iska diiday inuu qaato talo uu usoo jeediyey Jose Mourinho oo ay ku badbaadi lahaayeen afar ka mid ah ciyaartoyda ugu muhiimsan dalkaas ee ka qayb-gelaya Euro.
Kulanka caawa ee England iyo Ukraine, waxa ganaaxyo ku dhici karayaan afar ciyaartoy oo seegi doona min hal kulan oo wareegga xiga ee Semi-finalka ah haddii ay soo gudbaan.
Kabtanka xulka qaranka Switzerland ee Granit Xhaka ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee ganaax laba kaadh ah lagu fadhiisiyo tartanka qaramada Yurub kulankii xalay ay rikoodheyaasha ku hadheen ee Spain ka badisay.
Jose Mourinho ayaa usoo jeediyey Gareth Southgate in ciyaarta caawa ee Ukraine uu fadhiisiyo xiddigaha haysta kaadhadhka digniinta ah ee haddii ay kaadh kale qaataan seegi doona ciyaarta xigta.
Afarta ciyaartoy ee Phil Foden, Harry Maguire, Kalvin Phillips iyo Declan Rice ayaa dhamaantood min hal kaadh u jira in lagu rido ganaax hal kulan ah, waxaanu Southgate ku adkaystay in aanu qaadanayn talada Mourinho oo aanu dhigan doionin ciyaartoydan.
Gareth Southgate ayaa yidhi: “Saddex jeer ayaanu final tagnay muddo 60 sanndood ah, sidaa darteed ilma aha in aanu taaganahay qaran ahaan meel aanu bilowno in aanu nasino ciyaartooyo anagoo marayna wareegga siddeedda, sababtuna ay tahay in ay ciyaartoydu qaadan kaarayaan kaadh kale oo huruud/jaale ah.
“Way ka duwan tahay haddii ay jirto walaac jidh ahaaneed, laakiin sabab kaadh darteed, waanu ciyaarayynaa kulanka.”