Shaxda England Ee Kulanka Caawa Oo Xog Laga Helay & Jadon Sancho Oo
Waxa qish cusub laga helay shaxda uu caawa xulka qaranka England kusoo shirtagayo kulanka ah siddeed dhammaadka Euro ee uu kaga hortagayo Ukraine oo ay caawa ku kulmayaan magaalada Rome ee caasimada Talyaaniga.
England ayaa haysta fursadii ugu fiicnayd ee ay ugu guuleysan lahaayeen koob markoodii ugu horreysay tan iyo 1966 iyaga oo haddiiba ay dhaafaan Ukraine wareega afar dhammaadka kula ciyaari doona Denmark iyo Czech midka soo baxa fiidka caawa.
Sida uu sheegayo wargeyska The Athletic, tababare Gareth Southgate ayaa samaynaya isbedelo shaxda caawa waxaana uu ugu horreynba ku laaban doonaa shaxda afarta daafac kaddib markii uu Germany shan daafac kula ciyaaray kulankii ugu dambeeyay.
The Athletic ayaa sheegaya inuu kulankiisii ugu horreeyay kusoo bilaaban doono garabka weerar ee xulkaas ee Jadon Sancho kaas oo fursad ka helaya markan Southgate.
Sancho ayaa ku jira maalmo qurxoon maadaama oo uu laba maalmood kahor ku biiray Manchester United oo mudo dheer doonaysay.
Sidoo kale tababare Southgate ayaa shaxdiisa kusoo celin doona kubad sameeyaha Chelsea ee Mason Mount taas oo shaki gelin karta haddiiba uu fursad heli doono Jack Grealish oo wacdarro soo dhigay kulamadii fursadaha la siiyay balse wali u muuqda mid aan kalsoonida tababaraha haysan.