SIR CUSUB: Sababta Ay Real Madrid Heshiiska Varane Ugu Adkaynayso Man

Manchester United ayaa Real Madrid la furtay wadahadalada ay ku doonayso daafaca dhexe ee Raphael Varane balse kooxda ree Spain ayaa doonaysa inay wada xaajoodkaas adkayso inta karaankeeda ah.

Labada kooxood ayaa hadda ku jira wadahadalo ay kaga hadlayaan arrimaha Varane oo heshiiskiisa Real Madrid yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedka dambe.

Fursada uu daafaca xulka France heshiis cusub ugu saxeexi karo Real Madrid ayaa u muuqata mid sii yaraanaysa waxaana ka badan suurogalnimada uu kaga bixi karo Santiago Bernabeu.

Real ayaa dhinaceeda ka doonaysa inay Varane iska iibiso oo ay lacag ka samayso xagaagan halkii ay qaab bilaash ah ku waayi lahaayeen sanad kaddib.

Warbixin uu qoray wargeyska Football Espana ayaa lagu sheegay in Varane oo mushahar ahaan 10 Milyan oo pound ka qaata kooxdaas sanadkii uu doonayo inuu qaato mushahar ah laba jibaarka lacagtaas.

Marka laga yimaado bixitaanka Ramos, imaatinka David Alaba ayaa kordhiyay mushaharaadka ay bixiso Real Madrid taas ayaana qasbaysa inay xiddigaha qaar kooxdeeda iska iibiso.

Warbixin kale oo ay soo saartay shabakadda Defensa Central ee Madrid kasoo baxda ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Real Madrid uu doonayo inuu wadahadalada ku adkeeyo Man United si uu uga aargoosto.

Perez ayaa ka cadhaysan in kooxo Premier League ah oo ay kamid tahay Man United ay kaga baxeen qorshihii tartanka European Super League isla markaana uu doonayo inuu kaga aar-guto heshiiska Varane oo uu ku adkeeyo.

Badh kamida taageerayaasha Man United ayaa qaba in Varane uu heshiis qaali ah kaga samaysanayo Real Madrid isticmaalka magaca kooxdooda sidii uu hore ugu sameeyay Sergio Ramos sanadkii 2015 markaas oo uu ku dhawaaday Red Devils kahor inta uusan heshiis qaali ah ka helin Los Blancos.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More