YAAB: Ciyaartii France Iyo Switzerland Oo La Dalbaday In Lagu Celiyo
Xulka qaranak France mar hore ayay ka hadheen tartanka Euro, waxaana rikoodheyaal ku garaacay Switzerland kulan natiijadiisu lama filaan ahayd marka la eego goolashii ay labada kooxood is-dheeraayeen daqiiqaddii 80aad iyo sida ugu dambayntii dalkii awoodda is-bidayey looga daba yimid ee looga badiyey.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa waxa la gaadhsiiyey arrin layaableh. In ka badan 240,000 oo codsi oo lagaga dalbanayo in lagu celiyo ciyaartii Faransiiska iyo Switzerland.
Taageereyaasha xulka France ayaa dareensan in goolhayaha Switzerland uu qalad sameeyey markii uu qabanayay rikoodhihii u dambeeyey ee Kylian Mbappe, isla markaana laba tallaabo soo qaaday halkii sharcigu dhigayay in hal-tallaabo kaliya uu soo qaado.
Yann Sommer oo ah goolhayaha Borussia Monchengladbach ayaa ahaa halyeyga la baxsaday dalkiisa ee usoo saaray wareegga siddeedda oo ay wada ciyaari doonaan Spain.
Sida ay sheegeen warbaahino kala duwan oo ay ku jirto RTL Sports, in ka badan 240,000 qof ayaa saxeexay codsi [Petition] ay u gudbiyeen UEFA oo ay ku dalbanayaan in lagu celiyo ciyaartii Faransiiska lagu reebay, waxaanay ku doodayaan inuu jiray qalad uu markii ugu dambeeyey sameeyey Sommer oo aanu garsooruhu arag, sidoo kalena aanay ciyaartoyda xulka France wax cabasho ah ka keeni.
Kaddib codsiga, su’aasha la isweydiinayo ayaa waxay tahay maxay UEFA ka yeeli doontaa, miyuu se jiraa sharci waajibinaya in codsiyada taageereyaasha la aqbali karo? Wax kasta oo dhaca, suurtogal ma aha in ciyaar dhamaatay lagu celiyo, waxaase suurtogal ah in garsooreyaashii kulanka gaar ahaan midka VAR ay UEFA ganaax saarto haddii ay caddaato cabashada Faransiisku.