Manchester United Oo Diyaarisay Dalabka Halbowlaha Khadka Dhexe Ee

Manchester United ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich ee Leon Goretzka, kaas oo ay qorshihiisa bilowday kaddib markii ay isku hubsatay Jadon Sancho oo la filayo in tartanka Euro kaddib uu ka dego Old Trafford.

Sida ay sheegayaan warbaahinta waddanka Jarmalka, Manchester United ayaa waxay qorshaheeda ku darsatay Leon Goretzka oo ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan khadka dhexe waqtigan, waxaanu tababare Ole Gunnar Solskjaer u arkaa in uu laacibkani yahay tiir adag oo ay Red Devils u baahan tahay.

Manchester United oo shaki ka qabta Paul Pogba oo 12 bilood oo kali ahi ka hadhsan yihiin qandaraaskiisa ayaa waxay suuqa ka indho-indhaynaysaa ciyaartoygii ay ku beddeli lahayd haddii uu ku adkaysto in aanu saxeexin heshiis cusub.

Red Devils ayaan ogolaan karin in Pogba uu si xor ah kaga tago, waxaana haddii xaaladdu isbeddeli weydo bilaha soo socda ay ka fiirsan doontaa in ay iibiso, laakiin inta ka horreysa ayay raadin doontaa beddelkiisa.

Horraantii toddobaadkan, waxay Manchester United la kulantay wakiilka laacibka khadka dhexe ee reer France ee Eduardo Camavinga oo ah 18 jir aad loo qiimeeyo, hase yeeshee Solskjaer ayaa rumaysan in Goretzka uu yahay ciyaartoyga ay u baahan yihiin.

Wargeysyada SportBild iyo Sport1 ee kasoo baxa Jarmalka ayaa labaduba qoray maanta, in Goretzka uu kusoo baxay liiska ciyaartoyda laga doonayo Old Trafford, laakiin ay Man United ku adkaanayso inay hesho.

Warka ayaa intaa ku daray in tababare Solskjaer uu aaminsan yahay in Goretzka uu ciyaar ahaan aad uga sarreeyo Camavinga, balse dhibaatada jirta ayaa waxay tahay in uu laacibkani doonayo inuu sii joogo Bayern Munich oo uu heshiiskiisana kordhiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More