Fadeexadihii Ka Dhacay Qolka Lebbiska France: Lix Ciyaartoy Oo
Xulka qaranka Faransiiska ayaa qalalaase galay markii ay ka hadheen tartanka qaramada Yurub ee ay rikoodheyaasha kaga badisay Switzerland.
Dalkan opo ka mid ahaa kuwa loo saadaalinayay inay ku guuleysanayaan tartanka ayaa si waji gabax ah u hadhay kaddib markii ciyaar ay 3-1 ku hoggaaminayeen toban daqiiqadood markii ay ka hadhsanaayeen dhamaadka, laakiin la barbarreeyey, kaddibna rikoodheyaal lagu garaacay.
Sidii aanu saaka idiin sheegnay, qoysaska Mbappe, Rabiot iyo Pogba ayaa isku dhacay markii ay ciyaartu dhamaatay, waxaana kala maslaxay booliska, laakiin taasi hadda waa bikh, waxaana soo baxday sheeko kasii daran.
Markii ay ciyaartoydu galeen qolka lebbiska, waxa dhacay isku dhex-yaac, is-eedayn, maamul la’aan, ixtiraam darro iyo wax kasta oo xul jabay laga filan karayay, laakiin waxa meesha ka maqnaaday doorkii tababaraha oo kala xakamayn kari waayey ciyaartoydiisa.
Labada ciyaartoy ee khadka dhexe ee Paul Pogba iyo Rabiot ayaa isku dhacay iyagoo qolka lebbiska ku jira, waanay is-caayeen iyadoo uu dagaalkana ku horreeyey laacibka khadka dhexe uga ciyaara Juventus ee Rabiot oo aan ku faraxsanayn difaac-xumadii uu Pogba muujiyey markii laga dhalinayay goolka barbarraha.
During the game vs Switzerland, ugly scenes for France (EDS):
– Rabiot & Pogba insulted each other – Rabiot unhappy with Pogba’s defensive efforts– Varane insulted Pavard, unhappy with his defending– Pavard blamed Pogba, for doing no defending, Varane later backed Pavard up
— Get French Football News (@GFFN) June 29, 2021
Raphael Varane ayaa isaguna isku dayey inuu qolka lebbiska ku canaanto Benjamin Pavard, maxaase ku watay? Difaaca Bayern Munich ayaa si adag ugu jawaabay Varane, waxaanay gaadheen heer afku ka xumaado oo ay is-caayaan. Pavard ayaa sidoo kale cadho u muujiyey Pogba.
Si kooban haddii aynu u dhigno:
Pogba iyo Rabiot gaar ayay iskugu dhaceenVarane wuxuu caayay PavardPavard na wuxuu eedeeyey Pogba
Tani waa qayb-yar oo ka mid ah qisada xulka qaranka France ee ka dhacday qolka lebbiska iyo garoonka Puskas Arena ee magaalada Budapest ee waddanka Hungary, waxaana soo baxaya xogo kale oo qarsoonaa. Caawa fiidka ayaanu idiin soo gudbinaynaa mid ka mid ah sheekooyinka dhacay oo waji gabax iyo ixtiraam-darro ku ahaa tababare Didier Deschamps.