Waxa Loo Arkayay Midka Dhaxlaya Sergio Busquets Balse 17 Daqiiqo Oo
17 daqiiqo oo kaliya, haa taasi waa inta uu kusoo dhammaaday waayaha ciyaareed ee Matheus Fernandes ee Barcelona, walow mustaqbal weyn laga lahaa hadda kooxda ayaa xalay si rasmi ah usoo af-jartay heshiiskiisii kooxda oo ay baabiisay.
Barcelona ayaa xagaagii 2020 lacag 7 Milyan oo euro ah kasoo bixisay Fernandes halka ay saddex Milyan oo euro oo kale ahaayeen kuwo shuruud ku xidhan sida ay kula soo heshiisay kooxdiisii Palmieras.
Fernandes ayaa yimid Camp Nou iyadoo loo arko bedelka mudada dheer ee Sergio Busquets oo udub dhaxaad u ah kooxda balse waxa ku dhacday arrin ugub ah oo ah inuu noqday saxeexa kaliya ee aysan wali kooxdaasi soo bandhigin sanadahan dambe.
Heshiiskiisa kusoo dhammaaday 17-ka daqiiqo ayaa ahaa mid ku eeg ilaa 2025, kulanka kaliya ee uu Barca metelay ayaa ahaa ciyaar Champions League ah oo ay Dynamo Kiev lasoo ciyaareen.
Matheus ayaa ah ciyaaryahankii afraad ee ilaa haatan xagaagan ka taga kooxda kaddib Juan Miranda, Jean Clair Todibo iyo Konrad de la Fuente halka daafaca bidix ee Junior Firpo la filayo inuu maalmaha soo socda noqdo ciyaartoy Leeds United ah.
In la kansalo heshiiskii sanadaha badani ka hadhsanaayeen ee Fernandes ayaa muujinaysa sida uu madaxweyne Joan Laporta u doonayo inuu soo koobo safka balaadhan ee kooxda oo uu dib u habayn weyn ku wado.