Jack Grealish Oo Daboolka Ka Qaaday Wixii Uu Southgate U Sheegay
Jack Grealish ayaa daboolka ka qaaday wixii uu tababare Gareth Southgate ku yidhi markii uu soo gelayay garoonka ka hor intii aanay goolasha dhalinin xulka qaranka England kulankii xalay ay ku garaaceen Germany.
Southgate ayaa sameeyey beddel guul u horseeday daqiiqaddii 69aad, waxaanu soo geliyey Jack Grealish isagoo saaray Bukayo Saka oo isaguba si adag u shaqaynayay, laakiin markii uu soo galay kubbad-sameeyahan ayay England heshay laba gool oo uu midkood isagu caawiye ka ahaa.
Kabtanka Aston Villa ayaanay waqti badan ku qaadanin inuu saamayn ku yeesho ciyaarta, waxaana qayb ka ahaa ciyaartoydii qaybta kasoo qaatay dhismaha kubaddii goolka hore noqotay ee uu dhaliyey Raheem Sterling daqiiqaddii 75aad.
Goolka labaad ee England ee uu Harry Kane dhaliyey ayuu Grealish kubadda kasoo qaaday dhinaca bidix isagoo adeegsanayay lugtiisa diciifka ah ee bidixda, waxaanu madaxau saaray Kane oo si sahlan u dhaliyey.
Kaddib markii ay ciyaartu soo dhamaatay ayaa uu Jack Grealish ka sheekeeyey wixii uu Gareth Southgate usoo sheegay markii uu soo gelayay garoonka, iyo guushii wada socday, waxaanu yidhi: “Isagu [Southgate] wuxuu ii sheegay in aan garoonka soo galo oo aan is muujiyo, una ciyaaro sidii aan caadiyan u dheeli jiray iyadoo waliba wajigayga qosol ka muuqdo.
“Waan soo galay sidii ayaanan sameeyey, nasiib wanaagna waxa aan abuuray hal gool.”
Harry Kane ayaa dhaliyey goolkiisii ugu horreeyey ee tartanka Euro, iyadoo uu ahaa ciyaartoyga koowaad ee loo saadaalinayay inuu kabta dahabka ah ku guuleysanayo, laakiin Grealish ayaa tilmaamay in arrintaasi aanay sahlanayn, waxaanu yidhi: “Kabtanka England, way ku adag tahay inuu soo celiyo qaabkiisii Tottenham.
“Ma garanayo sababta, laakiin way adag tahay. Tartankan Euro wuu adag yahay.”