RASMI: Brazil vs Chile, Argentina vs Ecuador – Isku-aadka Wareega
Tartanka Copa America ayaa galay marxaladdii labaad ee wareegga siddeedda iyadoo labadii Group ay kasoo baxeen min afar dal, waxaana tartanka ka baxay oo hadhay Bolivia iyo Venezuela.
Copa America oo ay ka qayb-galayeen 10 waddan oo loo qaybiyey laba group oo min shan kooxood ah ayaa waxa hormo walba laga doonayay afar dal, si marxaladda labaad ay ugu soo gudbaan siddeed dal.
Group A, waxa kaalinta koowaad kaga baxday Argentina, waxaana labaad cidhiidhsaday Uruguay, halka Paraguay iyo Chile ay saddexaad iyo afraad kusoo gudbeen.
Group B, waxa durduro kaalinta koowaad kaga soo gudbay Brazil oo ay soo raaceen Peru oo labaad gashay, Colombia iyo Ecuador.
Sida uu dhigayo sharciga tartanku, kooxaha kooxda kaalinta labaad ka gasha hormada B, ayaa ku beegmaysa dalka kaalinta saddexaad kaga dhamaysta A, halka waddanka kaalinta koowaad kaga soo baxa B ay wada ciyaari doonaan dalka kaalinta afraad kaga dhamaystay hormada A. Sidaas oo kale, waddanka kaalinta koowaad ka galay Group A, ayaa waajahaya dalka kaalinta afraad ka galay Group A.
Brazil oo koowaad ka gashay Group B ayaa ku dhacday xulka qaranka Chile oo ay hoggamainayaan laacibiinta xafiiltanka badan ee Arturo Vidal, Medel iyo kuwo kale, halka Argentina ay wareegga siddeedda wada ciyaari doonaan Ecuador.
Uruguay oo ka mid ah dalalka awoodda badan ayaa waxay la ciyaaari doonaan Colombia oo ka timid xiddigeedii ugu muhiimsanaa ee James Rodriguez.
Isku-aadka wareegga siddeedda Copa America:
Brazil vs Chile, Argentina vs Ucuador, Uruguay vs Colombia iyo Peru vs Paraguay.
Goorma ayay dhacayaan kulamada wareegga siddeeddu?
Jimcaha ayay bilaabmi doonaan kulamada wareegga siddeedda, waxaana lasoo gabogabayn doonaa Axadda.
Sidan ayaa loo ciyaarayaa
July 2: Peru vs ParaguayJuly 3: Brazil vs ChileJuly 4: Uruguay vs ColombiaJuly 3: Argentina vs Ecuador