QIIMAYN: 50kii Difaac Ee Ugu Wanaagsanaa Taariikhda Kubadda Cagta Oo
Difaacyahannadii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta ayaa qiimayn cusub laga soo saaray maanta oo Sabti ah xilli uu halyeyga Talyaaniga ee Paolo Maldini u dabbaal-degayo sannad-guuradii 53aad ee dhalashadiisa.
Maldini ayaa noloshiisa oo dhan kusoo qaatay shaqada difaaca oo uu mar walba ahaa kuwa ugu fiicnaa ee aan isdhimin illaa intii uu ka fadhiisanayay kubadda cagta.
Shabakadda Ranker ayaa qiimayn ku samaysayy 50ka difaac ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta, waxaana kaalinta koowaad kaga jira Maldini oo kasoo hormaray halyeygii kale ee Talyaaniga ee Franco Baresi iyo xiddigii Germany ee Franz Beckenbauer.
Saddexdan laacib ayaanu muran badan ka dhalin karin boosaska ay qiimayntan ka heleen sababtoo ah, waxay ku jiraan xiddigaha la isku raacsan inay yihiin kuwa ugu fiican midba boos uu galo ba.
Kaalinta afraad ayuu soo cidhiidhsaday difaacii midig ee reer Brazil ee Cafu, halka shanaad iyo lixaad ay kala galeen Bobby Moore iyo Frank Rijkaard.
Halkan kaga bogo 50kii difaac ee ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta:
50. Marcelo
49. Maicon
48. Paul Breitner
47. Riccardo Ferri
46. Antonio Cabrini
45. Philipp Lahm
44. Miodrag Belodedici
43. Karl-Heinz Schnellinger
42. Jaap Stam
41. Andreas Brehme
40. Carles Puyol
39. Tarcisio Burgnich
38. Gary Neville
37. Wim Suurbier
36. Daniel Alves
35. Hans-Peter Briegel
34. Roberto Carlos
33. Paul Neal
32. Jurgen Kohler
31. Morten Olsen
30. Fabio Cannavaro
29. Roberto Rosato
28. Jamie Carragher
27. Thiago Silva
26. Carlos Alberto
25. Marius Tresor
24. Giuseppe Bergomi
23. Alan Hansen
22. Nilton Santos
21. Claudio Gentile
20. Sergio Ramos
19. Manfred Kaltz
18. Aldair
17. Lucio
16. Lilian Thuram
15. Mauro Tassotti
14. Fulvio Collovati
13. Gerard Pique
12. Alessandro Costacurta
11. Ruud Krol
10. Alessandro Nesta
9. Daniel Passarella
8. Cesare Maldini
7. Giacinto Facchetti
6. Frank Rijkaard
5. Bobby Moore
4. Cafu
3. Franz Beckenbauer
2. Franco Baresi
1. Paolo Maldini