Liverpool Oo Saddex Saxeex Samanaysa Xagaagan Xilli Jurgen Klopp

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa la filayaa inay shaaciso saddex saxeex oo ciyaartoydeeda waaweyn ay qandaraaska ugu kordhinayso ka hor inta aanu tababare Jurgen Klopp bilaabin tababarka isku-diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Tababare Jurgen Klopp ayaa doonaya in mustaqbalka ciyaartoydiisa la sugo ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedku, si aanay bannaanka ugaga imanin warar dhantaala niyaddooda, taas oo uu rumaysan yahay inay ka caawin karto sidii ay Manchester City ugula tartami lahaayeen horyaalka Premier League.

Liverpool ayaa xilli ciyaareedkii hore waxay mashquul badan ku gashay sidii ay Georginio Wijnaldum qandaraas cusub uga saxeexi lahayd, iyadoo warbaahintuna si joogto ah uga tebinaysay warar lid ku ah kooxda oo ku saabsan laacibkan oo ugu dambayntii si xor ah uga tegay Anfield, kuna biiray PSG.

Klopp waxa uu rumaysan yahay in Liverpool ay samaysay qalad oo ay sugtay illaa intii uu sannadkii ugu dambeeyey gelayay qandaraaska Wijnaldum, taasina keentay in iyagoo u baahan oo aan beddelkiisa dhabta ah haysanin. Taas darteed, waxa uu doonayaa in aanay mar kale qaladkaas oo kale gelin kooxdu.

Sida uu sheegay wariyaha Talyaaniga ah ee Fabrizio Romano, saddex ka mid ah ciyaartoyda waaweyn ee kooxdu ayuu tababare Klopp doonayaa in mustaqbalkooda si rasmi ah loogu damaanad-qaado inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedku.

Labada laacib ee reer Brazil ee Fabinho iyo Alisson oo lagu daray Virgil van Dijk ayaa heshiisyada cusub ay ka saxeexaysaa Liverpool.

“Waqtigan wax horumar ah lama samaynin, muhiimadda kooxduse waxay tahay in ay heshiisyo cusub ka saxeexaan Alisson Becker iyo Virgil van Dijk. Waxa kale oo ay ka shaqaynayaan heshiiska Fabinho. Waxay doonayaan in ay dhamaantood kordhiyaan qandaraasyadooda sida ugu degdega badan.” Ayuu yidhi Fabrizio Romano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More