Maxay Ka Dhigan Tahay Naanaysta ‘Bambi’ Ee Loo Bixiyey Mucjisada Da’da
Weeraryahanka Bayern Munich ee Serge Gnabry ayaa sharraxay sababta da’yarka ay isku kooxda yihiin ee Jamal Musiala loogu bixiyey naanaysta ‘Bami’, iyadoo uu sidoo kalena difaacay weeraryahanka Leroy Sane oo ciyaartiisa saluug laga muujinayo koox ahaan iyo xul ahaanba.
Tababare Joachim Low ayaa xulka qarankiisu usoo baxay wareegga 16ka oo ay la ciyaari doonaan England, waxaana ciyaartoydiisa ka mid ah laacibka da’da yar ee Musiala oo qayb ka ahaa safkiii kulankii barbarraha 2-2 ay la galeen Hungary, taas oo u xaqiijisay inay wareegga xiga usoo gudbaan.
18 jirkan ayaa kalsooni badan ka haysta ciyaartoyda kooxdiisa iyo taageereyaasha oo dalbanaya in la ciyaarsiiyo maadaama uu yahay weeraryahan wanaagsan oo dhalintana ku fiican.
Da’yarkan ayaa waxa kooxdiisa dhexdeeda iyo xulkaba looga yaqaanaa magac kale oo ah naanays, waxaana qofkii u bixiyey la weydiiyey Serge Gnabry.
Laacibkan hore ugu ciyaari jiray Arsenal ayay warbaahintu weydiisay sababta Musiala loogu bixiyey naanaysa magaca Bambi iyo qofka bixiyey intaba, waxaanu ku jawaabay: “Leroy Sane ayaa u bixiyey naanaysta Bambi. Waa wiil yar oo macaan, wanaagsan oo farxad badan.
“Tayooyinkiisa kubadda cagta ayaa cajiib ah. Sidii aad ka aragteen kulankii Hungary, si weyn ayuu u caawin karayaa kooxda. Gebi ahaanba waan ku qanacsanahay isaga. Waqtigiisu wuu iman doonaa, kaliya waxa uu u baahan yahay waqti.”
Waxa kale oo uu Serge Gnabry ka hadlay Leroy Sane oo uu sheegay in hibooyinkiisa dabiiciga ah ay yihiin kuwo uu mar walba guul ku horseedi karo, laakiin aanu garanayn sababta dadku u dhalleeceeyaan.
Ugu dambayn Thomas Muller ayuu amaanay, waxaanu ku sifeeyey ciyaartoy xooggan oo hoggaamiye ah oo ay haystaan.