DEEQSI: 35 Kun Doolar Ayuu Ku Abaalmariyay Qof U Adeegay Kaliya Wax Ka
Erling Haaland ayaa lacag badan qarashgareeyay intii uu fasaxa ku joogay jasiirada dalka Gariiga ee Mykonos, sida ay sheegayaan wararka ka soo baxaya dalkaas.
Laacibka Borussia Dortmund ayaa u muuqda mid ku raaxeysanaya jasiirada Mykonos oo loo dalxiis tago.
20 jirkaan ayaa xagaagan fasax dalxiis ah galay ka dib markii uu xilli ciyaareed dheer oo Bundesliga iyo Champions League soo ciyaaray.
Lacag badan ayuuna qarashgareeyay mudadii uu joogay jasiirada Mykonos iyadoo la sheegay inuu bixiyay 600 kun doolar kaliya muddo lix saacadood ah uu joogay maqaaxi.
Wuxuu sidoo kale qof u adeegayay muddo ka yar saacad uu abaalmarin ahaan u siiyay 35 kun doolar sida ay qortay warbaahinta Gariiga ee Sportime.
Haaland ayaa si weyn looga hadal hayaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyadoo ay doonayaan kooxaha ugu waa weyn Yurub, waxaana suurtogal ah inuu ka tago Dortmund xagaagan.
Waxaa lagu sawiray isagoo la caweynaya xiddiga Manchester City Riyad Mahrez taasoo keentay in si xoogan loola xiriiriyay kooxda qaaday horyaalka Premier League.
Xiddig reer Norway waxaa soo maray xilli ciyaareed aad u fiican isagoo dhaliyay 41 gool tartamada oo dhan.
Awoodiisa gooldhalin ayaa keentay in lala xiriiriyo kooxaha sida Chelsea iyo Real Madrid iyadoo aabihiis Alf-Inge iyo wakiilkiisa Mino Raiola ay ku jiraan wadahadalo la xiriira mustaqbalkiisa.
Waxaa la sheegay in lacagta lagu iibsan karo Erling Haaland inay gaareyso 112 milyan ginni.