XOG: Xulka Ugu Fiican Iyo Midka Ugu Xun Oo Amakaag Kugu Ridaya &

Shabakadda samaysa xogaha ku salaysan qiimaynta dhabta ah ee Whoscored ayaa soo saartay sida ay u kala fiican yihiin ilaa haatan 16-ka dalb ee iskugu soo hadhay wareega 16-ka ee Euro 2020 oo dhawaan heerkii Group-yada laga soo gudbay.

Xulka ugu fiican ee qiimayntan ayaa ah dalka Netherlands oo qaab xarrago leh kaga soo baxay wareega Group-yada kaddib natiijooyin 100% ah, ciyaartoyda Dutch-ka ah ayaan cidina ka filayn heerkaas markii tartanku bilaabmayay.

Booska 2-aad ayuu kusoo baxay xulka Talyaanigu waxaana soo raaca xulka Belgium-ka iyagoo dhammaan saddexdaas xul oo min sagaal dhibcood kusoo baxay ay ku kala horreeyaan qiimayn 0.01 ah.

Arrinta yaabka leh ayaa ah in xulka ugu xun ee wareega 16-ka usoo gudbay uu yahay dalka Germany sida ay sheegayso qiimaynta Whoscored walow ay booska 2-aad kaga soo baxeen Group-kii dhimashada ee tartanka.

Dhinaca kale shirkadda BetVictor oo samaysay qiimaynta fursada uu xulkasta u haysto ku guuleysiga koobka ayuu ugu horreeyaa xulka France oo haysta qiimayn ah 4/1 waxaana soo raaca xulalka England iyo Italy oo min 6/1 haysta.

Halkan Ka Eeg Xogta Oo Sawir Ku Kooban

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More