Sidee Loo Kala Horreeyaa Tartanka Kabta Dahabka Ah Ee
Horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, waxa illaa hadda kasoo muuqanaya arrimo layaab leh oo aan marka hore xisaabta iyo saadaasha midnaba lagu darsanin.
Kooxihii waaweynaa ayaa dhamaantood dhulka lala wada dhacay, waxaana sii raacaya in ciyaartoydii gool-dhaliyeyaasha ahaa ee la saadaalinayay inay kabta dahabka ah ku loollami doonaan ay qaar badan oo ka mid ahi wali sooman yihiin oo aanay shabaqa soo taabanin.
Weeraryahanka reer England ee Jamie Vardy oo Leicester City u dhaliyey 23 gool ayaa xili ciyaareedkii hore ku guuleystay abaal-marinta kabta dahabka ah ee gool-dhalinta horyaalka Premier League, isaga oo noqday ciyaartoygii ugu da’da weynaa ee intii uu jiray Premier League (laga soo bilaabo 1992kii) ku guuleysta abaal-marintan.
Kabtanka Arsenal ee Pierre-Emerick Aubameyang iyo dhaliyaha Southampton ee Danny Ings ayaa aad ugu dhowaa oo uu dirqi kaga qaaday kabta dahabka ah Jamie Vardy xili ciyaareedka hore, laakiin weeraryahanka reer Gabon ayaa xili ciyaareedkani ugu bilowday goolal la’aan iyo in xataa bandhiggiisa laga dayrinayo.
Waxa si layaab leh usoo baxay sannadkan oo si lama filaan ah saadaasha kabta dahabka ah safka hore uga galay Dominic Calvert-Lewin oo shan kulan oo uu u saftay Everton u dhaliyey toddoba gool, kuwaas oo uu waliba raacsaday saddex kale oo uu kulan ka tirsan FA Cup u dhaliyey kooxdiisa.
Son Heung-Min oo Tottenham ah ayaa isaguna dhaliyey toddoba gool oo ay isku mid yihiin Calvert-Lewin, waxaana hal gool kasii hooseeya Mohamed Salah oo lix gool u saxeexay Liverpool.
Harry Kane iyo Jamie Vardy ayaa min shan gool haysta, halka uu Sadio Mane afar jeer u dhaliyey Liverpool.
Sida loogu kala horreeyo gool-dhalinta xilli ciyaareedkan 2020-21
D. Calvert-Lewin (Everton) 7
S. Heung-Min (Tottenham) 7
M. Salah (Liverpool) 6
H. Kane (Tottenham) 5
J. Vardy (Leicester) 5
S. Mane (Liverpool) 4
N. Maupay (Brighton) 4
C. Wilson (Newcastle) 4
D. Ings (Southampton) 4
W. Zaha (Crystal Palace) 4
P. Bamford (Leeds) 3
J. Bowen (West Ham) 3
Jorginho (Chelsea) 3
J. Grealish (Aston Villa) 3
A. Lacazette (Arsenal) 3
J. Rodriguez (Everton) 3
O. Watkins (Aston Villa) 3