Supercomputer Oo Ka Nixiyey England & Germany, Midkooda Hore U Hadhaya
Supercomputer ayaa saadaal dhamaystiran ka sameeyey tartanka Euro 2020 ee waddamadu usoo gudbeen wareegga 16ka, kaas oo lagu bilaabayo ciyaaraha Sabtida maanta ay iskaga hor imanayaan afarta waddan ee Italy vs Austria iyo Wales vs Denmark.
Xulka qaranka England ayaan calfan doonin tartanka qaramada Yurub ee ay usoo gudbeen wareeggiisa 16ka, awoodna uma yeelan doonaan in ay garoonka Wembley ku dhex-damaashaadaan oo ay koobka ku qaadaan, taas beddelkeedana waxay noqon doonaan kuwo ooyaya oo la aamusiin doono, sida uu saadaaliyey Supercomputer.
England ayaa usoo gudbi doonta wareegga siddeeda iyadoo kasoo badinaysa Germany, sida ay saadaashu sheegayso, kaddib waxay usii dhaafi doontaa semi-finalka illaa finalka, hase yeeshee halkaas ayay ku sugaysaa niyad-jabka iyo murugada xanuunka badan.
Supercomputer waxa uu saadaashiisa ku sheegay in xulka qaranka Portugal uu isaguna hadhi doono oo Belgium ay garaaci doonaan, haddii ay run noqotana waxa tartanka macasalaamaynaya Cristiano Ronaldo iyo qarankiisa oo kusoo guuleytay Euro 2016.
Saadaasha Supercomputer ee Wareegga 16ka:
Siddeedda waddan ee soo gudbaya wareeggan ayuu soo xulay Supercomputer, waxaanu ku xigsiiyey afarta semi-finalka tegaya, labada ugu dambeeya ee finalka wada ciyaaraya iyo waddanka ku guuleysan doona.
Saadaasha wareegga 16ka:
Italy vs Austria – Italy ayaa guuleysanaya
Belgium vs Portugal – Belgium ayaa guuleysanaya
France vs Switzerland – France ayaa guuleysanaya
Croatia vs Spain – Spain ayaa guuleysanaya
Sweden vs Ukraine – Sweden ayaa guuleysanaya
England vs Germany – England ayaa guuleysanaya
Netherlands vs Czech Republic – Netherlands ayaa guuleysanaya
Wales vs Denmark – Denmark ayaa guuleysanaya
SAADAASHA wareegga siddeedda
Halkan ayay sheeko ka taagan tahay, waxaana isku beegamaya waddamo waaweyn oo haddaba lasii ogyahay sida ay u wada ciyaari doonaan. Siddeedda soo baxay ayaa min laba iskugu beegan, waxaana xataa lasii ogyahay afarta dal ee soo gudba sida ay u wada ciyaari doonaan.
England, Italy, Belgium, France, Spain, Sweden, Netherlands, Denmark ayaa usoo gudbaya wareegga siddeedda sida Supercomputer ku sheegay saadaasha sare, laakiin iyagana waxa kasii hadhaya afar dal halka afar kalena ay semi-finalka u gudbi doonaan.
Saadaasha Supercomputer ee wareegga siddeedda:
Italy vs Belgium – Italy ayaa guuleysanaya
France vs Spain – France ayaa guuleysanaya
Sweden vs England – England ayaa guuleysanaya
Netherlands vs Denmark – Netherlands ayaa guuleysanaya
Saadaasha Semi-finalka
Halkan ayay sheeko ka taagan tahay. Afarta dal ee saadaasha sare muujisay inay soo gudbayaan ee Italy, France, England iyo Netherlands ayay laba u bixi doonaan finalka laba kalena hadhi doonaan.
Saadaasha:
Italy vs France – France ayaa guuleysanaya
England vs Netherlands – England ayaa guuleysanaya
Saadaasha Finalka
England iyo France ayaa wada ciyaaraya, waxaana Supercomputer uu saadaaliyey in Faransiisku uu koobka ku guuleysan doono, halka Ingiriiskuna ay oohin kaga bixi doonaan Wembley.