Hogaamiye Lafta gareen oo maanta furaya kalfadhiga labaad

Magaalada Baydhabo xarunta KMG ah ee DG Koofur Galbeed waxaa maanta ka furmaya kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka 2-aad oo waayihii dambe ku maqnaa fasax, kadib markii uu soo dhamaaday fadhigii 1-aad.

Baydhabo waxaa ku sugan wufuud kala duwan oo lagu casuumay ka qaybgalka furitaanka kalfadhiga waxaana kamid ah Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka BFS Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari & xubno kale.

Hogaamiyaha DG KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa furaya sida uu dhigayo dastuurka maamulkaas, waxaana lagu wadaa in uu kahor jeedo khudbad uu uga hadlayo arrimaha maamulkiisa.

Sidoo kale, hadal jeedin ayaa la siinayaa martida oo Khudbaddooda xoogga ku saaraya waxqabadka & waajibaadka Laanta Xeer dejinta DG Koofur Galbeed mudada ay ku guda jiraan kalfadhigaan.

Ammaanka Magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ayaa aad loo adkeyay madaama halkaas ay ka dhaceyso munaasabada furitaanka kalfadhiga labaad ee Barlamaanka 2-aad DG koofur galbeed.

Baarlamaanka Koofur Galbeed waxaa kamid ah shaqooyinka horyaalla inta ay ku guda jiraan kalfadhigaan labaad in ay doortaan Senatarada Golaha Aqalka Sare BFS ee saami ahaanta uga soo aaday & howlo kale oo horyaalla.

Axadle

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More