“Kubadda Cagtu Way Sii Dhimanaysaa, Da’yartii Ma Jecla,

Madaxweynaha Real Madrid, Florentino Perez ayaa bixiyey waraysi uu kaga hadlay arrimo dhawr ah oo ay ugu horreeyaan Zinedine Zidane, Sergio Ramos, European Super League iyo sida shaqsi ahaan ay tahay in loo arko.

Real Madrid ayaa isbeddello badan ku dhacayaan xilli ciyaareedkan, waxaanu u kowsanayaa iyadoo uu shaqada ka maqan yahay Zidane oo iscasilay laguna beddelay Carlo Ancelotti iyo Sergio Ramos oo aan kooxda joogin, si xor ahna loo fasaxay.

Perez ayaa ugu horreyn wax laga weydiiyey xaaladdii uu ku baxay Zinedine Zidane, waxaanu ku jawaabay: “Waan garanayaa isaga [Zidane, waxaanu ahaa sannad adag, aniguna waxaan u dagaallamay sidii uu usii joogi lahaa.

“Anigu warqadda ma akhriyin [macasalaamayntii muranka dhalisay ee Zidane eedaha ugu jeediyey Perez], in aanu qorina waxa aan ku dhaaranayaa wiilka aan awoowga u ahay. Qofka warqadda qoray ma ahayn Zidane.”

Florentino Perez ma sheegin cidda aan Zidane ahayn ee uu tuhunsan yahay in ay warqaddaas qortay, balse waxa uu nasiib wanaagsan u rajeeyey tababaraha reer France: “Wanaag ayaan u rajaynayaa, wuxuu ahaa halyeygii Real Madrid, waxaanu haystaa aqoonsigayaga oo dhan. Waxa uu ku riyoonayaa in uu noqdo tababaraha xulka Faransiiska, waanan hubaa in uu noqon doono.”

Sergio Ramos ayaa uu isagana ka hadlay, waxaanu yidhi: “Waxa aan Ramos u jecelahay sida wiilkayga oo kale, aniga ayaa keenay halkan 2005, waligayna shir jaraa’id lama aanan qabanin ciyaartoy isaga hortii [maalintii sagootinta ayay saxaafadda la wada hadleen].

“Aad ayaan ugu qanacsanaa, wuxuu ahaa halyeygayaga, in uu sii joogana waanu doonaynay, heshiis ayaanu u bandhignay, laakiin wuxuu qandaraasku lahaa waqti uu dhacayo [haddii la saxeexi waayo muddadaas], balse ma caddayn.

“Halkani waa hoygiisii, waxa aanan hubaa inuu kusoo laaban doono kooxda isagoo shaqo kale qabanaya.”

Intaas kaddib waxa wax laga weydiiyey tartanka European Super League ee ay kooxaha waaweyn ee Yurub samaysteen balse fashilmay markii ay sagaal ka mid ah 12kii aasaase ka baxeen, waxaanu yidhi: “Anigu waxa aan doonayaa in lagu xukumo in aan ahay Madaxweynaha Real Madrid iyo kubadda cagta, si guud.

“UEFA waxay ka walwalsanayd abuuritaanka tartan aad u xiiso badan. Kubadda cagtu way dhimanaysaa, dadka yaryarna ma soo jiidanayso, taageereyaashu hoos ayay u dhacayaan, waxna lama qabanayo, xaaladdu aad ayay u adkaan doontaa.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More