Laba Xiddig Oo Muhiim Ah Oo Ka Dhaawacmay Xulka Faransiiska
Xulka qaranka Faransiiska ayaa waxa usoo yeedhaya war ay ka naxayaan xilli ay isku diyaarinayaan kulanka adag ee wareegga 16ka ay ku ballansan yihiin Switzerland, waxaana ka dhaawacmay laba ciyaartoy oo muhiim ah intii uu socday tababarkii Khamiistii maanta.
Faransiiska ayay hore uga dhaawacmeen Ousmane Dembele, Lucas Hernandez iyo Lucas Digne, laakiin silsiladda dhaawacyadoodu wali way socotaa.
Tababarkii ciyaartoyda ee Khamiistii maanta ayaa waxa laga saaray laba ka mid ah ciyaartoyda uu tababare Didier Deschamps ku dagaal-geli lahaa wareegyada xiga ee tartanka Euro, kuwaas oo mid ka mid ah garoonka laga saaray iyadoo labada garab la hayo oo aanu si fiican u tallaabsan karaynin.
Labada ciyaaartoy ee Thomas Lemar iyo Marcus Thuram ayaa ka baxay garoonka iyadoo uu tababarku socdo kaddib dhaawacyo soo gaadhay.
Lemar ayuu dhaawac soo gaadhay markii ay isku dhaceen Mike Maignan, waxaanu si xun ugu dhacay dhulka. Shaqaalaha caafimaadka ayaa caawimo u fidiyey isagoo garoonka dhex jiifa, waxaana markii dambe ay ka galeen labada garab iyagoo ka saaray garoonka.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Thoomas Lemar uu dhaawacu kasoo gaadhay kuraanta, waxaanu u muuqday mid halis ah maadaama uu socon kari waayey.
Sidoo kale, weeraryahanka Marcus Thuram ayuu dhaawac kasoo gaadhay muruqa ah bilowgii tababarkii Khamiista, waxaanu ka baxay garoonka.
Laacibkan ayaa fadhiistay garoonka dhexdiisa isagoo is-haya muruqa bowdada, waxaana laga fasaxay tababarka.
Tababare Didier Deschamps ayaa laga sugayaa inuu warbaahinta u sheego inta uu le’eg yahay dhaawaca labadan ciyaartoy iyo haddii ay taam u noqon karayaan kulanka Switzerland ee wareegga 16ka iyo kulamada xiga haddii ay soo gudbaan.