Romelu Lukaku, Memphis Depay, Wilfried Zaha Ilaa Diego Forlan –
Dhamaantood hibo ayay lahaayeen, waxayna markhaatiyo ka dhiganayaan taageereyaasha kooxihii ay ka hor ama kaddib u ciyaareen, laakiin haddana si’ ay noqotayba ixtiraamkaas kama helin Manchester United, waxaanay kaga jiraan liiska ciyaartoy aan awood u yeelan in hibadoodii dabiiciga ahayd ay ku muujiyaan Old Trafford.
Manchester United oo ah kooxda ugu guulaha badan taariikhda horyaalka Ingiriiska ee Premier League, ayna is-ceshadaan Liverpool, waxay caan ku tahay saxeexyada xiddigo waaweyn oo dunida qabsaday iyo kuwo kasoo baxay kulliyaddeeda oo dhab ahaantiina ahaa kuwa beddelay taariikhda kooxdan gaar ahaan jiilkii 1992kii soo baxay.
Iyadoo Reds ay u dagaallamayso sidii ay ula soo saxeexan lahayd garabka midig ee weerarka reer England ee Jadon Sancho, warbaahinta Ingiriiska ayaa dib u milicsatay liiska ciyaartoydii yimid Old Trafford iyagoo wax weyn laga filayo laakiin ku dhamaystay qaabka aan wanaagsanayn.
Wargeyska The Sun ee kasoo baxa UK ayaa soo xulay toddobadii laacib ee ugu waaweynaa ee Manchester United sida fiican u saldhigi waayey laakiin markii ay ka tageen wacdaraha dhigay, isla markaana noqday hoggaamiyeyaal guulo soo hooyey. Ciyaartoydan ayaa waxay kala yihiin:
1. ROMELU LUKAKU
Weeraryahanka reer Belgium ayay Manchester United ka iibisay Inter Milan iyadoo saluug ka muujinaysay heerkiisa ciyaareed kaddib goolashiisa Premier League oo hoos u dhacay. Laakiin laacibkan ayaa markii uu tegay Talyaaniga waxa uu miisaankiisa ka riday 16lbs, sidaas ayaanu ku helay qaab ciyaareed cajiib ah.
Laba xilli ciyaareed oo uu ku sugnaa Inter, waxa uu u dhaliyey 64 gool, isagoo ku hoggaamiyey horyaalka Serie A oo uu u qaaday, kaas oo ay raadinayeen muddo 11 sannadood ah. Waxa kale oo uu noqday xiddigii ugu fiicnaa Serie A xilli ciyaareedkii tegay.
2. MEMPHIS DEPAY
£25 milyan oo Gini ayay Manchester United kasoo bixisay sannadkii 2015kii, waxaana saxeexiisa sabab u ahaa Louis van Gaal. Kaddib 53 ciyaarood oo uu u saftay, waxa uu dhaliyey toddoba gool oo kaliya, waxaana laba sannadood kaddib ay ka iibiyeen Lyon oo ay ka siiyeen £20 milyan oo Gini.
Kooxdiisa cusub ee Lyon ayuu u noqday xiddiga ugu muhiimsan iyo mishiin goolasha ah. 178 kulan oo uu saftay waxa uu u dhaliyey 178 gool ka hor intii aanu toddobaad ka hor si bilaash ah ugu wareegin Barcelona.
2. ANGEL DI MARIA
Sannadkii 2014 ayay Manchester United kasoo bixisay £60 milyan oo Gini iyadoo kala soo wareegtay Real Madrid.
Angel di Maria ayay taageereyaasha Manchester United ku xasuusan yihiin laacibkii labaad ee ay kooxdaasi lacagta badan kasoo bixisay ee haddana ku fashilma Old Trafford, waxaana ka horreeyey Juan Sebastian Veron.
Xilli ciyaareed kaliya oo uu joogay Old Trafford, waxa uu saftay 32 kulan oo uu dhaliyey afar gool. Sannadkii xigay waxa laga iibiyey PSG oo kula wareegtay £40 milyan oo Gini, halks oo uu k noqday rukun adag. Waxa uu kula guuleystay shan horyaalka Ligue 1 ah lix sannadood oo uu u ciyaaray.
4. WILFRIED ZAHA
2013 ayay Manchester United kusoo iibsatay £15 milyan oo Gini kaddib markii uu wacdaro ka dhigay kooxda Crystal Palace. Sannad kaddib, David Moyes ayaa amaah ku siiyey Cardiff City, ugu dambayntiina waxa £10 milyan oo Gini ku iibsatay kooxdiisii hore ee Crystal Palace.
Laacibkan ayaa ka mid noqday ciyaartoyda ugu halista badan ee ay difaacyahannadu ka baqdaan, waxaana mar soo baxay warar sheegaya in United ay doonayso inay mar kale dib usoo iibsato.
5. DALEY BLIND
Dhibaatada ugu badan ee Daley Blind ee Old Trafford waxayty ka iman jirtay halka ay tababareyaashu ka ciyaarsiinayaan oo aan ahayn booskiisii dabiiciga ahaa.
Van Gaal iyo Jose Mourinho ayaa uu midba meel ka ciyaarsiiyey, waxaana ugu dambayntii soo baxday su’aalo ah: Ma difaac bidix baa, ma khadka dhexe oo kubbad burburiye ah baa, mise waa difaac dambe?
Sannadkii 2018 ayuu dib ugu laabtay kooxdiisii hore ee Ajax, waxaanu ka caawiyey inay laba horyaal ku guuleystaan, sidoo kalena ay wacdaro ka dhigaan Champions League.
Hadda waxa uu ka mid yahay ciyaartoyda xulka qaranka Netherlands uga qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub.
6. DIEGO FORLAN
Manchester United waxay ku dhawaaqday saxeexa Diego Forlan sannadkii 2002 iyadoo kasoo bixisay £7 milyan oo Gini, laakiin 13kii ciyaarood ee Premier League ee ugu horreeyey iyo shantii ciyaarood ee Champions League ahaa ee u horreeyey waxa uu ku fashilmay inuu wax gool ah dhaliyo.
Inkasta oo uu markii dambe u muuqday inuu la qabsanayo Manchester United, haddana waxa ugu dambayntii laga iibiyey Villarreal oo uu u dhaliyey 25 gool isagoo ku guuleystay kabta dahabka ah ee Spain iyo Kabta dahabka ah ee qaaradda Yurub xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyey ee Villarreal.
Atletico Madrid oo uu usii dhaafay ayuu sannadkii 2009 wacdaro ka dhigay, waxaana 33 ciyaarood oo uu u saftay uu u dhaliyey 32 gool. Waa farqi weyn oo u dhexeeya Forlan-kii Man United iyo midka Spain.
Sidoo kale, waddankiisa ayuu tiir-dhexaad u ahaa Koobkii Adduunka 2010.
7. RADAMEL FALCAO
Weeraryahanka reer Colombia waxa uu u hadda u ciyaaraa Galatasaray waana 35 jir 40 ciyaarood gudahood ku dhaliyey 20 gool.
Falcao ayay Man United amaah kaga soo qaadatay Monaco waxaanu u saftay 29 ciyaarood oo uu u dhaliyey afar gool oo kaliya.