Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ka Tirsan Ee Uu Mikel Arteta Xisaabta Ku

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo warramayaa inaysan wali iska dhiibin rajada ah inay la saxeexato Philippe Coutinho iyaga oo wali doonaya haddiiba uu meel iska saari karo dhaawacyada dishooday bilihii ugu dambeeyay.

Gunners ayaa lala xidhiidhinayaa saxeexa kubad sameeyaha ree Brazil kaddib markii ay Barcelona oo doonaysa inay xiddigo badan iska dirtaa suuqa soo dhigtay.

Mikel Arteta ayaa doonaya saxeexa khad dhexe oo kubad sameeye ah iyadoo la fahamsan yahay in muhiimada koowaad ee kooxdaasi ka leedahay suuqa xagaagan uu yahay booskaas.

Arsenal ayaa rajo weyn ka qabtay inay saxeexa Martin Odegaard oo qaab amaah ah uga yimid dhinaca Real Madrid mid rasmi ah ka dhigto balse magacaabista kooxdaas ee Carlo Ancelotti ayaa rajo cusub siinaysa da’yarka ree Norway.

Gunners ayaa intaas kaddib dareenkooda u jeediyay dhinaca Emiliano Buendia balse kooxda Aston Villa ayaa wooday inay heshiis 35 Milyan oo euro ah kagala soo wareegto Norwich City.

Natiijo ahaan waxa soo laba kacleeyay wararka Coutinho la xidhiidhinaya Arsenal, wargeyska Le10Sport ayaa sheegaya in Gunners ay xiiso u qabaan saxeexiisa.

Laakiin rabitaanka Arsenal ee 29 sano jirkaas ayaa ah mid hal shuruud ku xidhan tahay waana inuu kasoo kabto dhaawaca jilibka ah ee uu hadda la maqan yahay isagoo aan wax raad ah kaga tagin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More