Wixii Dhex Maray Ronaldo & Gosens Oo Dunida Qabsaday: “Cristiano Ayaan

Kaddib guushii 4-2 ahayd ee xulka qaranka Germany ka gaadhay dhiggooda Portugal, waxa si weyn dunida looga hadal hayaa dhacdadii Cristiano Ronaldo iyo xiddigii Robin Gosens oo weydiistay garanka laakiin jawaab waji gabax ah la kulmay.

Ronaldo iyo Gosens ayaa kulamada caalamiga ah markii ugu horreysay iskaga hor yimid iyagoo u dagaallamaya sidii uu mid walba waddankiisa guul u gaadhsiin lahaa iyagoo ku wada jira hormada dhimashada ee F.

Portugal oo kulankii hore soo garaacay Hungary, saddex gool oo laba ka mid ah uu saxeexay Ronaldo na soo dhaliyey ayaa raadinayay guushii labaad, halka Germany ay doonayeen saddexdii dhibcood ee ugu horreeyey maadaama ciyaartii hore ay Faransiisku 1-0 kaga soo badiyeen.

Kulankan oo ka dhacay garoonka Bayern Munich ee Allianz Arena, waxa uu xulka lagu naanayso Die Mannschoft uu maareeyey guul weyn oo ay kusoo galeen kaalinta labaad ee hormadan, iyagoo ka daba yimid Cristiano Ronaldo oo gool waqti hore ka dhaliyey.

Afarta gool ee Germany waxa laba ka mid ah iska dhaliyey difaacyahannada reer Portugal ee Ruben Diaz iyo Guerreiro, halka labada kalena ay saxeexeen Kai Havertz iyo Robin Gosens.

Portugal ayaa waxa goolka labaad waqti dambe u dhaliyey Diogo Jota.

‘Xataa dhinacayga masoo eegin’

Waa sheeko hore oo caawa dib usoo noolaatay, waxaanay dhex-martay Cristiano Ronaldo iyo Robin Gosens.

Xiddigii ugu fiicnaa kulankii Portugal iyo Germany ee Robin Gosens, waxa uu u ciyaaraa kooxda Talyaaniga ah ee Atalanta, waxaanay arrin cajiib ahi dhex-martay Ronaldo.

Da’yarkan ayaa ku riyoon jiray in uu mar uun garanka beddesho Ronaldo maadaama uu yaraantiisii taageeri jiray, waxaanu fursaddii u horreysay u helay sannadkii 2019 oo iyagoo u kala ciyaaraya Juventus iyo Atalanta kulan ka tirsanaa Coppa Italia ay kooxahoodu iska hor yimaaddeen. Atalanta ayaa ciyaartan ku badisay 3-0, waxaanu Ronaldo garoonka ka baxay isagoo aan wax gool ah dhalin oo cadhaysan.

Gosens ayaa si uu riyadiisa u rumeeyo waxa uu u tegay Cristiano Ronaldo markii ay ciyaartu dhamaatay, waxaanu u tegay Ronaldo oo uu ka dalbaday inuu garanka u beddelo, laakiin maxaa qabsaday?

Grosens oo arrintaa ka hadlay ayaa yidhi: “Kaddib kulankii Juventus aanu la ciyaaarnay, waxa aan isku dayay in aan rumeeyo riyadaydii ahayd inaan helo garanka Ronaldo. Kaddib siidhigii dhamaadka ayaan u tegay isaga, xataa anigoo aan dabbaal-deggii [kooxdiis] ka qayb-gelin… laakiin Ronaldo igama aqbalin [inuu siiyo shaadhkiisa ama u beddelo]. Waxaan weydiiyey: ‘Ronaldo, ma heli karaa shaadhkaaga?’ Xataa ima soo fiirin, waxaanu iigu jawaabay: ‘Maya!’

Gosens ayaa dareemay xishood, waxaana isagoo hadlaya dareenkii galay uu yidhi: “Gebi ahaan ba waan yaxyyaxay, waanan xishooday. Waan iskaga tegay anigoo dareemaya inuu i yaraystay. Waad ogtahay in waqtigaas aad dareemayso layaab, waxaad eegaysaa hareerahaaga haddii ay cid ku ogtahay [in loo diiday garanka]. Sidaas ayaan dareemay, waxaanan isku dayay inaan qariyo arrintan.”

Kaddib markii uu Jarmalku garaacay Portugal, sheekadan ayaa noqotay mid dib u istaadhantay oo in badan la iskula wadaagay baraha bulshada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More