Getafe vs Barcelona – Imtixaanka Koeman Ee Ka Hor El
Barcelona oo ciyaartii ugu dambaysay barbarro la gashay Sevilla ayaa u halgami doonta inay jidka guusha kusoo laabato marka ay caawa tagto garoonka Coliseum Alfonso Perez oo ay ugu diyaarsan tahay Getafe.
Tababare Ronaldo Koeman oo ay kooxdiisu hadda fadhido kaalinta shanaad oo ay toddoba dhibcood ku haysato kaddib saddex ciyaarood oo ay dheeshay, waxa sugaya imtixaan adag maadaama Getafe ay wacdaro dhigaysay xili ciyaareedkii hore inkasta oo ay hadda kaalinta toddobaad fadhido oo afar ciyaarood ay ka heshay toddoba dhibcood oo kaliya.
Barcelona ayaa xili ciyaareedkan ku bilaabatay qaab wanaagsan oo uu hoggaaminayo Lionel Messi, waxaana ciyaartii koowaad ay 4-0 ku xasuuqeen Villarreal, waxaanay ku xigsiiyeen Celta Vigo oo ay ku jiidheen 3-0 ka hor intii aanay 1-1 ku kala bixin Sevilla.
Laakiin kulanka caawa ayay Barcelona ku qasban tahay inay guul weyn ka keento si ay niyad wanaagsan ugala hor tagto Real Madrid oo ay ballsan yihiin October 24.
Xogta kulanka:
Ciyaarta: Getafe vs Real Madrid
Tartanka: LaLiga
Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika
Garoonka: Coliseum Alfonso Perez
Wararkii ugu dambeeyey labada kooxood
Kooxda Getafe ayaa qaab wanaagsan ku jirta marka laga eego dhinaca ka fayoobaanta dhaawacyada, waxaana kaliya uu shaki ku jiraa Amarth Ndiaye inuu ciyaari doono kulankan, halka dhamaan ciyaartoyda kale ay taam yihiin.
Tababare Bordalas ayaa la filayaa in aanu wax badan ka badin safkiisa inta badan ah 4-4-2 oo ay hoggaamiyaan Jaime Mata iyo Cucho Hernandez, taas oo ay khadka dhexe u istaagayaan Nemanja Maksimovic iyo Mauro Arambarri, halka Marc Cucurella uu waajihi doono kooxdiisii hore ee Barcelona.
Dhinaca kale, tababare Ronald Koeman ayaan heli doonin adeegga ciyaareed ee goolhaye Marc-Andre ter Stegen oo dhaawac ah, waxaanay taasi ka dhigan tahay in Neto uu kusoo bilaaban doono, balse Samuel Umtiti iyo Jordi Alba ayaan xisaabta ku jirin oo dhaawac ah.
Junior Firpo oo dhaawac muruqa ah la dhibaatoonaya ayaa lagu soo daray liiska ciyaartoyda Barcelona ee kulankan, balse waxa uu kaliya ku jiri doonaa kaydka iyadoo uu kusoo bilaaban doono Dest oo dhowaan kusoo biiray kooxda oo dhinaca bidix iyo midig ee difaaca si fiican uga ciyaari kara.
Pjanic oo xulka qaranka Bosnia-Herzegovina laga saaray Arbacadii markii ay Poland wada ciyaarayeen sababo la xidhiidha dhaawac ayaa Jimcihii kusoo laabtay tababarka oo diyaar u ah kulankan, halka Philipe Coutinho uu sii wadan doono bandhiggiisa wanaagsan.
Messi, Ansu Fati iyo Antoine Griezmann ayaa dhamaantood taam ah oo aan waxba kusoo noqonin ciyaarihii caalamiga ahaa, waxaana sidoo kale soo laabtay Clement Lenglet oo uu ka dhamaaday waqtigii ganaaxa ee kulankii Sevilla uu ku maqnaa, kaddib casaankii uu qaatay ciyaartii Celta Vigo.
Shaxda macquulka ee labada kooxood
Getafe: Soria; Suarez, Dakonam, Etxeita, Olivera; Nyom, Maksimovic, Arambarri, Cucurella; Hernandez, Mata
Barcelona: Neto; Roberto, Pique, Lenglet, Dest; Pjanic, Busquets, De Jong; Fati, Messi, Griezmann