“Xiddig Ugu Wanaagsan Ee England Waa Harry Kane, Ma Jirto Sabab Uu U

Harry Kane ayaa ah xiddiga ugu wanaagsan ee ay Ingiriisku haystaan, mana gelin karaan kaydka iyadoo laga doorbidayo weeraryahanka Everton ee Dominic Calvert-Lewin, sida uu rumaysan yahay Gary Neville.

Halyeyga Ingiriiska ayaa sheegay, in shaxda England ay tahay inuu mar walba kasoo muuqdo Harry Kane oo uu xusay inuu yahay ciyaartoyga ugu wanaagsan ee Ingiriisku haystaan waqtigan.

Kane oo dhaliyey 34 gool oo xulka qaranka England ah ayaa bandhig aan wanaagsanayn ka sameeyey ciyaartii Croatia ee ay ku furteen tartanka qaramada Yurub, taas oo goolkii madiga ahaa ee ay guushu ku raacdayna uu u saxeexay Raheem Sterling.

Waxa jiray doodo soo jeedinayay, in Calvert-Lewin lagu soo bilaabo kulanka Scotland ee Jimcaha oo kaydka la geliyo Kane, laakiin Gary Neville ayaa tibaaxay in aanu jirin ciyaartoy Ingiriis ah oo Kane ka awood iyo saamayn badan waqtigan oo ku jira xulka.

“Ma jirto fursad lagu beddeli karayo isaga kulamada xulka England ee tartankan.” Ayuu yidhi Neville oo intaas raaciyey: “Waa weeraryahanka ugu wanaagsan ee waddanku haysto, hal mile ayaanu u jiraa kuwa kale.

“Waan jecelahay Dominic Calvert-Lewin, wax badan ayaanu qabtaa laakiin ma jirto fursad uu kaga soo hor bilaaban karo Harry.

“Saamaynta uu ku leeyahay kooxda (Harry Kane), bandhiggiisa, rikoodhkiisa goolasha…xataa isagoo gaabis ahaa ciyaartii u horreysa, haddana maskax ahaan waa lama taabtaan.”

Ciyaartii Axaddii ee Croatia, Harry Kane ayaa la saaray qaybtii dambe kaddib bandhig aad u liitay oo uu la yimid, waxaana lagu soo beddelay Calver-Lewin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More