Markii Hore Buendia Haatana….- Mourinho Oo Markale Xiddig Mucjiso Ah

Kooxda AS Roma ayaa lagu soo warramayaa inay xoojisay xiisaha ay u qabto saxeexa kubad sameeyaha kooxda Feyenoord ee Orkun Kokcu taas oo ka dhigan inay Arsenal seejin karaan bar-tilmaameedkoodii labaad mudo toddobaad gudaheed ah.

Arsenal oo horeba Emilliano Buendia si lama filaan ah ugu weyday dhigeeda Aston Villa ayaa haatana dhib ka maraysa inay Roma kaga guuleysato saxeexa xiddiga Turkish-ka ah.

Lyon ayaa sidoo kale ah koox xiiso u qabta saxeexa 20 sano jirkaas oo mudo 22 kulan ah usoo ciyaaray Feyenoord kulamada horyaalka Eredevise xilli ciyaareedkii dhammaaday.

Gunners ayaa mudo 12 bilood ah haatan suuqa ugu jiray saxeexa khad dhexe oo No.10 ah waxaana ay xataa qaab maqal iyo muuqaal ah kula xidhiidheen Kokcu balse hadda ayay halis ugu jiraan inay u waayaan Roma oo Jose Mourinho gadh-wadeen ka yahay.

Kokcu ayaa loo arkaa mid kamida xiddigaha da’yarta ah ee ugu hibada fiican Yurub isaga oo xiiso ka helay in badan oo kamida kooxaha waaweyn ee qaarada.

Si lamid ah Roma iyo Lyon, sidoo kale AC Milan ayaa xiisaynaysa saxeexa Kokcu iyadoo la arkay wakiilada da’yarkaas oo ka tagaya xarunta Casa Milan HQ.

Kaddib markii uu laba bilood oo dhaawac ah kasoo laabtay bishii January, Kokcu ayaa kasoo muuqday shaxda bisha ee horyaalka Eredevise ee bilihii February, March iyo May.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More