TOP 10: Tobbanka Xiddig Ee Ugu Qaalisan Dunida Kubadda Cagta, Xiddiga
Hay’ada qiimaynaha kubadda cagta ka samaysay ee CIES ayaa soo saartay liiska xiddigaha ugu qaalisan horyaalada waaweyn ee Yurub wakhtigan iyadoo 10-ka hore si lama filaan ah looga waayay da’yarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe.
Sida ay sheegayso warbixintan ugu dambaysay ee CIES, da’yarka Manchester City ee Phil Foden ayaa ah midka ugu qaalisan wakhtigan guud ahaan kubadda cagta.
Liiska ay soo saartay CIES ayaa ah mid ay ku dooranayso xiddigaha ugu qaalisan shanta horyaal ee ugu waaweyn Yurub, Foden oo dhawaan kusoo guuleystay abaalmarinta da’yarka sanadka ee Premier League ee PFA ayaa 190.2 Milyan euro ku qiimaysan.
Marka ay samaynayso qiimaynahan oo kale, CIES ayaa xiddigaha ku kala xulata qoddobo dhawr ah waxaana kamid ah , da’da ciyaaryahanka, sanadaha ka hadhay heshiiska uu kooxdiisa kula jiro, horumarka uu sameeyay, qaab ciyaareedkiisa kooxda iyo qaranka iyo darajada kooxda (Dhaqaale ahaan iyo ciyaar ahaanba).
Xiddigaha kusoo xiga ayaa ah Mason Greenwood (178 Milyan euro) iyo Marcus Rashford (159.1 Milyan euro) oo labaduba Man United ka tirsan.
Weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland 155.5 Milyan euro) iyo kubad sameeyaha Manchester United ee Bruno Fernandes (154.3 Milyan euro) ayaa dhammaystiray shanta boos ee sarre.
Liiska Oo Dhammaystiran
Sababta Kylian Mbappe gabi ahaanba looga waayay liiskan ayaa noqon karta in heshiiskiisa PSG uu kaliya hal sano oo kale ka hadhay taas oo hoos u dhigaysa qiimaha uu suuqa ka joogo.