WARBIXIN: Kaddib Toddobaad Saxeexyo Ah, SEEFTA Madaxweyne Laporta Oo

Kooxda Barcelona oo toddobaadkii ugu dambeeyay ahayd mid shaacisay saxeexyada xiddigo dhawr ah ayaa lagu soo warramayaa inay markana galayso toddobaad bixitaano iyo mushahar dhimis ah ku samaynayso xiddigaha kooxdeeda.

Madaxweynaha kooxda ee Joan Laporta ayaa doonaya inuu gabi ahaanba dib u cusboonaysiiyo safka kooxda sidaas darteed kama cabsi qabo inuu waxyaabaha qaar lama taabtaan loo arko jabiyo.

Xiddiga ugu horreeya ayaa ah Sergi Roberto kaas oo heshiiskiisa kooxdu dhacayo xagaaga 2022, waxa la filayaa inuu qandaraas cusub saxeexo oo uu mushaharkiisa dhimo amaba uu xagaagan baxo halkii uu qaab bilaash ah ku tagi lahaa sanadka dambe.

Ousmane Dembele ayay isku xaalad yihiin Roberto oo isagana heshiiskiisu dhacayaa 2022, Barca ayaa doonaysa inuu heshiis cusboonaysiin sameeyo balse kooxda ayaa suuqa dhigi doonta haddii ay is-fahmi waayaan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Dembele uu heshiis shaqsi ah la gaadhay kooxda ree Talyaani ee Juventus isla markaana uu sugayo.

Laba daafac dhexe oo bixi kara ayaa kala ah Clement Lenglet iyo Samuel Umtiti, qaab ciyaareedka Lenglet ayaa ahaa mid aan fiicnayn xilli ciyaareedkii hore halka Umtiti uu dishooday dhaawac gaadhay sanadkii 2018.

Jordi Alba ayaa 32 sano jir ah haddana heshiis weyn kooxda ku jooga, Laporta ayaa doonaya inuu dhimo mushaharkaas. Qaab ciyaareedka Alba ee labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay ayaa ahaa mid cajiib ah.

Alba ayaa suuqa la dhigi doonaa haddiiba uu mushahar dhimis diido waxaana bedelkiisa loo saadaalinayaa Jose Gaya oo Valencia ka tirsan.

Ciyaaryahanada kale ee kooxda laga nadiifin karo ayaa kala ah Junior Firpo, Miralem Pjanic, Neto Murara iyo Matheus Fernandes.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More