Borussia Dortmund Oo Go’aamisay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Erling Haaland
Manchester United, Chelsea iyo Chelsea oo ahaa saddexda kooxood ee Ingiriiska ah ee indhaha ku hayay weeraryahanka reer Norway ee Erling Haaland ayaa helay warkii ay sugayeen, kaddib markii ay kooxda Borussia Dortmund shaacisay qiimaha ay ku iibinayso xiddigeedan.
Saddexda kooxood ee Premier League ee sare ku xusan oo lagu daray Real Madrid, Barcelona iyo PSG ayaan marnaba qarsanin sida ay u doonayaan in ay lasoo saxeexdaan dhaliyahan mucjisada ah ee isagoo 20 jir ah dunida qabsaday.
Borussia Dortmund oo xiddigan £17 milyan oo Gini oo kaliya kagala soo wareegtay RB Salzburg January 2020 ayaa in muddo ah ku adkaysanaysay in aanay iibinayn xiddigeedan, hase yeeshee culayska kaga imanaya kooxaha waaweyn ee u gacan haadinaya weeraryahankan ayaa keenay in ay beddelaan go’aankooda hore oo ay iclaamiyaan in la iibinayo Erling Haaland.
Laakiin kooxaha doonaya 20 jirkan ayay tahay in ay la yimaaddaan lacag dhan £172 milyan oo Gini oo u dhiganta 200 milyan oo Euro.
Sida uu qoray wargeyska AS, kooxda doonaysa in ay la saxeexato Erling Haaland waa in ay la timaaddo £172 milyan oo Gini, mana jirto shuruud kale iyo wax kale oo ka hor istaagaya.
Sidaas oo ay tahay, haddana waxay warbaahintu ogaadeen in heshiiskii Erling Haaland uu ku jiray qodob xaddidayey lacagta lagu burburin karayo qandaraaskiisa, taas oo dhan £70 milyan oo kaliya, waxaanu qodobkaasi hirgeli doonaa xagaaga sannadka dambe.
Manchester United ayaa iyaduna qandaraaska u kordhisay Edinson Cavani, halka Chelsea ay u leexatay Romelu Lukaku oo lala xidhiidhinayo.