Maxaa Ka Dhacay Xerada Tababarka Xulka Qaranka England Maanta Oo Sabti

Xarunta tababarka xulka qaranka England ayaa ahayd mid jawi farxadeed ka jirtay maanta oo Sabti ahayd, sababtoo ah, waxa kusoo laabtay ciyaartooyo ka farxiyey tababare Gareth Southgate, kuwaas oo hore shaki loo gelinayay heerkooda taam ahaansho iyo fursadda ay u heli karayaan in ay diyaar ugu noqdaan tartanka qaramada Yurub ee Jimcaha bilaabmaya.

Xiddiga khadka dhexe ee Jordan Henderson ayaa tababarka buuxa kusoo laabtay maanta, waxaanu ciyaartoyda kale ee xulka la sameeyey jimicsiyadii kala duwanaa, sida orodka, iyadoo ugu dambayntiina loo qaybiyey laba kooxood oo ay kubadda ciyaareen.

Jordan Henderson oo muddo AFAR bilood ah aan kubadda ciyaarin ayaa waxa laga shaki qabaa taam ahaanshihiisa tartanka soo socda, sababtoo ah, ciyaartoy muddada intaa le’eg ka maqnaa garoomada, haddana tababarka kusoo laabtay ayay adag tahay in uu durba ciyaari karo.

England oo kulanka ugu horreeya ee Euro 2020 kula ballansan Croatia Axadda toddobaadka dambe ee June 13, waxa la filayaa in Jordan Henderson aanu qayb ka noqon doonin kulankaas, laakiin uu ciyaari kari doono kulamada xiga.

30 jirkan khadka dhexe ayaa bishii February ee sannadkan lagu sameeyey qalliin kaddib dhaawac uu ku macasalaameeyey xilli ciyaareedkii kooxdiisa, waxaana waqtigaas lagu qiyaasay muddada uu maqnaanayo illaa siddeed usbuuc ama laba bilood hase yeeshee waxay ku qaadatay afar bilood.

Difaaca xulka qaranka England iyo Manchester United ee Harry Maguire ayaan isagu wali tababarka kusoo laabanin, waxaanu maqan yahay muddo bil ah iyadoo ciyaarihii qaramada Yurubna maalmo kooban ka hadhsan yihiin.

28 jirkan ayaa tababarka kalidii sameeya, ciyaaryahannada kalena aan wali soo dhex-gelin, waxaana shaki la gelinayaa fursadda uu u heli karo kulamada hore.

Gareth Southgate ayaa Axadda go’aan rasmi ah ka gaadhi doona Maguire, waxaana diyaar ah oo sugaya in ay kaalintiisa buuxiyaan haddii uu taam noqon waayo Ben White iyo Ben Godfrey oo lagu daray liiska ciyaartoyda heeganka ah.

Waxa kale oo Gareth Southgate uu Axadda magacaabi doonaa ciyaartoyga uu kusoo beddelayo Trent Alexander-Arnold oo ku dhaawacmay kulankii saaxiibtinimo ee Austria, waxaana la filayaa in xulka lagu soo dari doono  James Ward-Prowse ama Jesse Lingard.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More