Ciyaaryahanadda Argentina & Uruguay Oo Ku Biiray Xiddigaha Brazil Ee Iska
Tartanka qaramada Latin America ee Copa America 2021 ayaa qarka u saaran in gebi ahaanba meesha laga saaro kaddib markii ay ciyaartoyda Brazil oo hore u sheegay in aanay ka qayb-geli doonin amaba ciyaari doonin tartankan haddii lagu qabto waddankooda.
Xidhiidhka kubadda cagta Latin America ee CONMEBOL ayaa toddobaadkii hore go’aamiyey in waddanka Brazil lagu qabto tartankan oo bishan gudaheeda bilaabmaya, halkii ay ahayd in Argentina iyo Colombia ay si wada-jir ah u martigeliyaan.
CONMEBOL ayaa waxa uu hore daaqadda uga saaray Colombia oo fayraska Korona dartii loogu diiday in uu martigeliyo, waxaana kaliya lagu soo koobay Argentina oo dhibaatada Korona iyo mashaakil kaleba ay ka jiraan, kaddib ayaa haddana la go’aamiyey in tartanka loo raro waddanka Brazil oo isaguna aqbalay.
Hase yeeshee fikirka ah in Brazil loo wareejiyo tartanka, waxay ahayd fikrad qaldan sababtoo ah markiiba waxa ka hor yimid mucaarad badan iyo ciyaaryahannada dalkaas oo caddeeyey in aanay qayb ka noqon doonin tartanka sannadkan haddii waddankooda lagu qabto.
Xiddigaha Brazil ugu dambayn garab ka helay laacibiinta xulka qaranka Uruguay, sida Luis Suarez, Edinson Cavani iyo Fernando Muslera oo iyaguna taageero u muujiyey ciyaaryahannada Brazil, waxaana soo raacay tababaraha xulka qaranka Argentina ee Lionel Scaloni iyo Sergio Aguero oo tilmaamay in ay fikrad qaldan tahay in Brazil oo duruufo adag ka jiraan lagu qabto tartanka.
Waa maxay sababta ciyaartoyda Brazil u diidayaan in tartankan lagu qabto waddankooda?
Ciyaaryahannada Brazil ayaa diiddan in dalkooda oo Fayraska Korona uu faraha ka baxay, dad tiradoodu ka badan tahay nus malyuunna ay u dhinteen lagu qabto tartanka, isla markaana dad kale oo badan garoomada la iskugu keeno.
Xanuunka oo dhaafay heerkii la xakamayn karayay, dad tiro badanna maalin walba ay usoo dhacayaan, waxay ciyaartoydu sheegeen in ay masuuliyadi ka saaran tahay dadkooda oo ay badbaadinayaan nafaha dadkooda.