Portugal & Spain Oo Is-mari Waayey, Ronaldo & Moratta Oo Iska Hor
Labada waddan ee loo saadaalinayo koobka qaramada Yurub ee xagaagan ee Portugal iyo Spain ayaa goolal la’aan ku kala baxay kulan saaxiibtinimo oo ay ugu diyaar-garoobayeen tartankaas oo caawa ku dhexmaray garoonka Atletico Madrid ee Estadio Wanda Metropolitano ee magaalada Madrid.
Xulka difaacanaya koobka qaramada Yurub ee Portugal ayaa lasoo galay shax adag oo ay hormood ka ahaayeen Cristiano Ronaldo, Diogo Jota, Joao Felix iyo Pepe, kuwaas oo ay qaybtii dambena soo raaceen Bruno Fernandes, Rafa Silva, Carvalho iyo laacibiin kale oo tayadoodu sarrayso, ayaa gool madi ahaa oo qaybta hore ay dhaliyeen laga diiday.
Spain ayaa waxa iyagana ugu soo bilowday difaaca ay dhalashada siiyeen ee Aymeric Laporte oo ka garab ciyaaray Pau Torres, halka Fabian, Thiago Alcantara iyo Sergio Busquets ay ahaayeen rukunnadii khadka dhexe ee halganka la galay ciyaartoyda Portugal.
Daqiiqaddii 22aad ayuu Sanchez gool u dhaliyey Portugal iyadoo uu koornaha ka geliyey kubbad koorne ahayd oo uu gaadhi waayey Fonte, laakiin garsooraha ayaa ka diiday goolkaas maadaama qalad lagu galay Pau Torres ka hor intii aanay kubaddu dhalanin.
Ferran Torres oo Spain ah ayaa helay fursad qaybta hore, waxaase ka jawaabay Sanchez oo ay ku xiiqeen Busquets iyo Alcantara, waxaanu kubadda isku dayey in uu u dhiibo Ronaldo, hase yeeshee goolhaye Unai Simon ayaa halis is-geliyey markii kubadda oo difaaciisu usoo leexiyey uu laaday balse uu ka jaray Cristiano Ronaldo oo hortiisa taagnaa.
Diego Llorente ayaa helay fursad weyn qaybtii dambe, isagoo ka awood batay Pepe, waxaana uu u dhiibay Morata waxaana halkii uu uga dhiibi lahaa Sarabia oo meel fiicantaagnaa uu doortay in uu goolka toogto. Fursad dahabi ah ayay ahayd.
Alvaro Morata ayaa isku dayay in uu cidhib ku dhaliyo kubbad uu dhinaca ka keenay Marcos Llorente iyadoo uu waxyar u jiray Patricio, hase yeeshee kubaddaas oo xoogaa ku meeraysatay goolka Portugal ayaa ugu dambayntii uu Morata khasaariyey.
Daqiiqaddii 90aad ee ciyaarta ayuu Alvaro Morata halistii ugu weynayd ka sameeyey garoonka, waxaana kubbad uu ka dul-qaaday Patricio loo qaatay in ay tahay gool, hase yeeshee nasiibkiisa ayaa ka diiday.
Ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay barbarro goolal la’aan ah.