RASMI: Chelsea Oo Xaqiijisay Laba Xiddig Oo Ka Tegay Kaddib Saddex

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqday in ay fasaxday laba ciyaartoy oo kooxdeeda ka tirsanaa kaddib markii ay xaqiijisay saxeexyo saddex ah oo ay kooxdaas kusii negaanayaan Olivier Giroud, Thiago Silva iyo Thomas Tuchel.

Chelsea ayay u ahayd Jimce mashquul badan oo qoraallada war-saxaafadeedyadu ay ahaayeen kuwo iska soo daba-dhacaya, isla markaana ay warbaahintu si dhow ula socotay xaaladdeeda.

Warkii ugu horreeyey ee kasoo yeedhay Chelsea ayaa soo dhacay duhurkii waqtiga Geeska Afrika, waxaanay kooxdu ku sheegtay in tababare Thomas Tuchel uu saxeexay heshiis saddex sannadood ah oo uu Stamford Bridge kusii joogayo illaa 2024. Waxa ku xigay Thiago Silva iyo Olivier Giroud oo qandaraasyadoodu ku ekaayeen xagaagan laakiin min sannad kale saxeexay.

War-saxaafadeed ay Chelsea soo saartay ayaa waxay ku sheegtay in goolhayaha ruug-caddaaga ah ee da’du hayso ee Willy Caballero oo u dhashay Argentina uu ka tegi doono Stamford Bridge oo uu joogay shantii sannadood ee ugu dambeeyey, isla markaana aan loo cusboonaysiinaynin qandaraaskiisa oo dhamaanaya bishan June.

Goolhayahan 38 jirka ah oo Chelsea si bilaash ah ugu soo wareegay sannadkii 2017 isagoo kasoo baxay Manchester City ayaa waayihiisa ciyaareed ee woqooyiga London ay kusoo dhamaadeen guushii Champions League ee toddobaadkii hore.

Willy Caballero ayaa waxa uu Chelsea kula guuleystay FA Cup, Europa League iyo Champions League.

Kulankiisii ugu horreeyey ee uu u safto Chelsea ayaa ahaa ciyaar ay 5-1 ku garaaceen Nottingham sannadkii 2017, waxaana uu saftay dhamaan kulamadii tartankaas ee xilli ciyaareedkaas iyadoo ugu dambayntiina uu kulankii Wembley wacdaro ka dhigay, una qaaday koobkaas.

Shan ciyaarood oo xidhiidh ah oo horyaalka Premier League ah ayaa uu kusoo bilowday xilli ciyaareedkii 2019/20 xilligii uu Frank Lampard saluugga ka muujinayay Kepa Arrizabalaga, laakiin Fayraska korona oo ku dhacay ayaa wiiqay fursadihiisii xigay,waxaana uu u dhacay goolhayaha saddexaad markii uu Edouard Mendy yimid kooxda.

Dhinaca kale, Chelsea ayaa xaqiijisay in goolhaye  Jamal Blackman oo amaah kaga maqnaa uu si rasmi ah uga tegayo kooxdaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More