Wada Sheekeysigii Dhexmaray Jose Mourinho & Lionel Messi Ee
Jose Mourinho ayaa ka dhaadhiciyay Lionel Messi inuu u saxiixo Chelsea sannadkii 2014 ka dib markii uu qadka muuqaalka ee FaceTime kala sheekeystay xiddiga reer Argentina sida uu sheegay khabiirka suuqa kala iibsiga Gianluca Di Marzio.
Tababaraha halyeeyga ah ee reer Portugal ayaa ku laabtay Blues sannadkii 2013, wuxuuna kula guuleystay horyaalka Premier League iyo League Cup ka hor inta aan la ceyrinin sannadkii 2015.
Haatan Di Marzio ayaa sheegaya in ku laabashada Mourinho ee Chelsea inay keentay in Lionel Messi uu ku dhawaado inuu u wareego Stamford Bridge sannadkii 2014.
Buug uu qoray wariyahaan 46 sanno jirka Talyaaniga ah ee Di Marzio ayuu ku sheegay in wadahadalkii dhexmaray Mourinho iyo Messi inuu yahay sheekadii ugu weyneyd ee aan abid la ogaanin ee suuqa kala iibsiga.
Sida ay sheegtay Sky Sports, Chelsea ayaa diyaar u aheyd markaas inay bixiso lacagta waqtigaas lagu burburin karay qandaraaska Messi ee Barcelona oo gaareysay 250 milyan euro.
Di Marzio ayaa sheegay in Blues ay sidoo kale diyaar u aheyd inay mushahar ahaan xilli ciyaareedkii Messi u siiso 50 milyan ginni.
Mourinho ayaa dadaalkiisa sarre u qaaday isagoo soo jiitay 33 jirkaan ka dib markii ay khadka muuqaalka kawada sheekeysteen.
Sida uu qoray Di Marzio, Mourinho ayaa ku bilaabay hadalkiisa: “Iska waran, midkii horyaalka ahaa?
“Waxay haatan ii sheegeen waxa aad dooneysid, ma ogid inta habeen ee aad hurdo la’aan igu riday ee aan ka fekerayay qaababka aan kuu celin karo.
“Waxaan isku dayay istaraatiijiyo badan oo shaqeyneysay ilaa iyo inta aad ka hesho fursad aad ku ganbiso goolna ku dhaliso. Waxaad tahay midka ugu Fiican. Hadal kale ma jiro.”
Mourinho ayaa ka dib isticmaalay ciyaar maskaxeed isagoo Messi ugu baaqay inuu baaqi ku sii ahaado Barcelona.
The Special One ayaa yiri: “Ma garaneysaa wixii aan ku sheegi lahaa? Waxaad u baahan tahay inaad sii joogto meesha aad hadda joogto.
“Ha ka tagin, waxay kuu dhisi doonaan taalo, sii joog Barcelona. Waa meesha ugu fiican ee xiddiga koowaad ee adiga oo kale ah uu joogi lahaa.
“Si kastaba, haddii hal subax aad soo kacdo oo aad ku quraacato xarunta tababarka laakiin kofeega uusan u dhadhameynin sidii hore, cirka uu cadaado, aadan jecleysan gaarigaaga, aad dareemeyso murugo marka aad guriga u socota, oo aadan faraxsaneyn, qoyskaagana faraxsaneyn, waqtigaas mugdiga ah marka ay noloshaada gasho, markaas waa inaad dib u furto albaabka farxada. Albaabka gadaashiisa waxaad ka heleysaa Jose Mourinho oo kugu sugaya”
Messi ayaa la sheegay inuu ku qoslay hadalka Mourinho isagoo diyaar u ahaa inuu la shaqeeyo tababaraba reer Portugal.
Xiddiga lixda jeer ku guuleystay Ballon d’Or ayaa xitaa heshiis shaqsi ah la gaaray Chelsea laakiin Di Marzio wuxuu sheegay in xiddiga aabihiis, wakiil Jorge Mendes iyo saaxiibkiisii hore Deco inay heshiiska burburiyeen oo ay ka dhigeen xunbo baaba’day.